4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
Xaalad Adag oo Haysata Dadkii ka Barakacay Taleex iyo Bannaan-bax lagu Cambaareeyay Puntland oo ka dhacay Buuhoodle

Sabti, November 30, 2013 (HOL) — Xaalad cakiran ayaa laga soo sheegayaa deegaanno ku dhow magaalada Taleex ee gobolka Sool kaddib dagaallo ka dhacay deegaannadaas oo ay dad ku dhinteen, qaar kalena ku dhaawacmeen.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa sheegay in 90% ay ka barakaceen dadkii ku noolaa degmada Taleex, waxaana qiyaastii ugu dambaysay ay sheegaysaa inay deggenaayeen degmadaas 26,000 oo qof, waxaanu sarkaalku intaas ku daray in dadka ku haray degmada ay dhaqaale la’aan awgeed awoodi waayeen inay ka baxaan degmadaas ayna dadkaasi ku nool yihiin cabsi.

Deegaannada sida aadka ay dadku ugu barakeceen ayaa waxaa ka mid ah tuulada Xallin oo 45-km dhinaca Koonfur-bari kaga beegan Taleen, tuulada Kalcad oo 40-km galbeed kaga beegan Taleex, Dooxada Dhumay oo 38-km dhinaca koonfureed kaga beegan Taleex iyo Dooxada Qawlo oo 30-km kaga beegan degmada dhinaca Galbeed.

Sidoo kale, deegaannada sida aadka ah looga dayrinayo ayaa la sheegayaa inay yihiin Dooxooyin ay ka mid yihiin Dhumay iyo Qawlo, iyadoo dadkii ku barakacay ay dhibaatada ugu xooggan ee haysata tahay hoy la'aan; iyadoo  lagu jiro waqtiga uu dhulkaas heer kulkiisu hoos u dhacay.

Ciise Dabeyl oo ah weriye madax-bannaan ayaa isagoo ka war-bixinaya xaaladda ka jirta Dooxada Dhumay wuxuu sheegay inay halkaas ka muuqato xaalad aad u naxdin badan; iyadoo dadku ay buux-dhaafiyeen dacallada Dooxadaas, ayna gabbaad ka raadinayaan geedaha, halka qaarkoodna ay baco qoryo lagu taagay ku hoos jiraan.

Cabsida ugu daran ee illaa hadda lasoo sheegayo ayaa ah inaysan dadkaas heli karin biyo nadiifa oo ay cabaan iyo deegaanka oo aan lahayn musqulo.

Dhinaca kale, magaalada Buuhoodle ayaa waxaa maanta ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo Puntland, kaasoo lagu cambaareeyay dagaalladii ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool. Iyadoo dadku ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin dagaallada ka dhacay Taleex, iyagoo maamulka Puntland ku eedeeyay inay ka geysteen degmadaas xasuuq aan loo aabba-yeelin.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool