4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
Burundi oo la Wareegaysa Hoggaanka Howl-galka AMISOM ee Soomaaliya; Kaddib Taliye Cusub oo ay u soo Magacowday


Sabti, November 30, 2013 (HOL) — Dowladda Burundi ayaa howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya u soo magacowday taliye cusub, isagoo bedeli doona taliyihii hore ee AMISOM Jen. Andrew Gutti oo u dhashay dalka Uganda, kaasoo xilka hayay illaa bishii May ee 2012.

Taliyahan cusub oo lagu magacaabo, Jen. Silas Ntigurirwa ayaa Muqdisho soo gaaray shalay oo Jimco ahayd, iyadoo lagu wado inuu dhawaan xilka kala wareego taliyihii hore.

Jen. Ntigurirwa oo 45-jir ah ayaa ahaa markii ugu dambeysay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda gaashaandhigga dalka Burundi, iyadoo uu xilkan cusub u soo magacaabay madaxweynaha dalkaas, Pierre Nkurunziza.

Magacaabidda taliyahan cusub ayaa waxay imaanaysaa iyadoo Qaramada Midoobay ay dhawaan meel-marisay in tirada ciidamada AMSIOM la badiyo, sidoo kalena lagu taageero 12 diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah.

“Waxaan dareemayaa wanaag fara badan oo halkan (Soomaaliya) ka jira, waxaana ii muuqata in weli ay jiraan qorshayaal la doonayo in dalkan lagu nabadeeyo. Waxaana ii muuqata in ciidamada AMISOM ay diyaar u yihiin in ay howsha sii wadaan si dalkan xasillooni iyo nabad loogu soo celiyo, rajo weyn ayaana ku qabaa in howgalkan aan ku guuleysan doonno,” ayuu yiri taliyahan cusub oo hadal kooban jeediyay markii uu Muqdisho yimid.

Sidoo kale, taliyaha cusub wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya la xoojiyo, si ay howsha ula wareegaan markii uu dhammaado howlgalka AMISOM.

“Farriinta koowaad ee aan u dirayo shacabka Soomaaliyeed waa inay marka hore ogaadaan in dalkan uu dalkoodii yahay. Marka labaad waa in si wadajir ah ay uga shaqeeyaan sidii dalkooda uu uga soo kaban lahaa colaadihii uu soo maray, ayna ogaadaan in howgalka AMISOM uu yahay mid waqtiyeysan. Sidaa awgeed Soomaalida waa inay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda,” ayuu ku yiri taliyaha cusub hadalka uu jeediyay.

Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Uganda ay u soo magacowady howl-galka AMISOM taliye ku xigeen cusub oo lagu magacaabo, Jen. Geoffrey Baraba Maheesi kaasoo isna toddobaadkan soo gaaray Muqdisho.

Taliska AMISOM ayaa waxaa horay u hayay dalka Uganda, iyadoo haatanna ay la wareegayso dowladda Burundi oo ay ciidamada labaad ee ugu tirada badan ka joogaan Soomaaliya, iyadoo Uganda ay la wareegtay jagada taliye ku xigeenka oo ay horay u hayn jirtay Burundi.

Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa billowday sannadkii 2007, iyadoo ay hadda ku sugan yihiin dalka in ka badan 17,600 oo askari oo ka socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Sierra Leone.

Ciidamadan ayaa 6223 askari oo ka mid ah ay ka socdaan dalka Uganda, halka dalka Burundi ay ka socdaan 5,432 askari. Dalka Jabuuti ayaa waxaa ka socda 1,000 askari, dalka Kenya ayaa waxaa ka socda 3,664-askari iyadoo dalka Sierra Leone ay ka socdaan 850-askari.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya