4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
Hay’adaha Samafalka oo ku baaqay in la Caawiyo Qoysaskii ka Bad-baaday Duufaantii ku dhufatay Deegaanno ka tirsan Puntland


Sabti, November 30, 2013 (HOL) — Hay’ado samafal oo isugu jira kuwo Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah ayaa ku baaqay in si dhaqso ah loo caawiyo dadkii ka samato-baxay duufaantii ku dhufatay deegaanno ka tirsan Puntland.

War-saxaafadeed ay hay’adahan si wadajir ah u soo saareen Jimcihii shalay ayay ku sheegeen in 100,000 ay saameyn xooggan ku yeelatay duufaanta, kuwaasoo ay sheegeen in xoolihii ay noloshoodu ku tiirsanayd ay saddex-meelood-laba-meel ay duufaantu la tagtay.

Hay’adaha war-saxaafadeedka soo saaray oo tiradoodu ahayd 12 isugu jira kuwo maxalli ah iyo kuwo caalami ah oo ay ka mid yihiin OXFAM, CARE, Save the Children, Refugees International iyo World Vision ayaaa sheegay in dadkan badbaaday ay u baahan yihiin cunno, biyo nadiif ah iyo guryo ay ku noolaadaan.  

“Dadkii ka badbaaday duufaanta waxay ku waayeen xoolihii ay dhaqanayeen, sidoo kale waxaa kaga dhintay dad fara badan,” ayay tiri Dagan Cali oo ah madaxa hay’adda ADESO. Iyadoo intaas ku dartay: “Xoolaha nool waa ahaayeen saldhigga dhaqaalaha bulshooyinka Soomaalida ah, dadka badbaadayna wax xoolo ah ma haystaan.”

Maamulka Puntland ayaa sheegay in qiyaastii 300 ruux laga baqdin qabo in ay ku dhinteen roobabkii qabowga iyo dabeylaha wadatay ee ka da’ay gobollada Puntland, balse Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in la xaqiijiyay geerida 80-qof oo keliya.

Hay’ado samafal, Qaramada Midoobay iyo maamulka Puntland ayaa dadkii duufaanta ka badbaaday ee deegaannadooda ku sugan gaarsiiyay cunno iyo dawooyin, balse kuwaasi ma ahan kuwo ku filan dadka badbaaday.

“Qoysaskan badbaaday waxay waayeen guryahoodii iyo wax walba oo ay haysteen, waxaana daadkii ka dhashay duufaanta ay dhaawac gaarsiiyeen deegaannadoodii, jidadkii iyo doomihii ay ku kalluumeysan jireen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Iyadoo hay’adahan ay sidoo kale ka digeen cudurro ka dhasha deegaannada ay duufaantu ku dhufatay.

Degmada Eyl ee gobolka Nugaal oo ahayd saldhigga ugu weyn ee kooxaha burcad-badeedda ah ay ka duulaan ayaa ka mid ah goobaha ay saameynta xooggan ku reebtay duufaantii dhowrka casho socotay.

Somalia ayaa waxaa tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe 1991-kii ka jiray colaado iyo dhibaatooyin kale, iyadoo duufaanno dhowr ahna ay ku dhufteen deegaannada ku xeebta badweynta Hindiya ee Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya