4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
Musharrax Shire Xaaji Faarax oo Boosaaso kula kulmay Qaybaha bulshada ee Gobolka Bari soona Bandhigay Qorshihiisa (SAWIRRO)

Sabti, November 30, 2013 (HOL) —
Deegaanada Puntland waxaa si xooggan uga socda olole ballaaran oo ay wadaan musharraxiinta ka qayb geli doona doorashada madaxtinimada ee ka dhici doonta Puntland, horraanta sanadka soo socda ee 2014.

Dr. Shire Xaaji Faarax oo ah musharrax u taagan xilka madaxweynenimada ee Puntland, ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan kula qaatay xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulankaas oo ay kasoo qayb galeen siyaasiyiin, aqoonyahan, madaxda dhaqanka, haween iyo dhalinyaro ayuu Musharraxu kusoo bandhigay waxyaabaha u qorsheysan in uu wax ka qabto; haddii loo doorto madaxweynaha Puntland.

Arrimaha bulshada ayuu sheegay inuu muhiimadda koowaad siin doono, gaar ahaan waxbarashada, isagoo xusay in uu dadaal badan ku bixin doono sidii ay ardayda Puntland lacag la'aan wax ugu baran lahaayeen.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Dhinaca kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga mar uu ka hadlayey, wuxuu sheegay in haddiiba la doorto uu sameyn doono cashuur dhimis; si loo dhiiri geliyo ganacsatada Puntland, kuwa caalamiga ahna loogu soo dhoweeyo in ay wadanka maalgashi ku sameystaan.

Difaaca xuduudaha Puntland ayuu sheegay in uu yahay mid muqaddas ah, si taas looga dhabeeyo wuxuu Musharrax Shire Xaaji Faarax ballaanqaaday haddii la doorto in uu tayeyn doono ciidamada kala duwan ee Puntland, askari walbana uu xuquuqdiisa gaarka ah heli doono.

Ugu dambeyntii qaar kamid ah dadkii kulankaas kasoo qayb galay oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa musharraxa usoo jeediyey hadallo isugu jirey dhiirigelin iyo dardaraan.

Tirada musharraxiinta u taagan madaxtinimada Puntland ayaa soo kordheysa maalinba maalinta ka dambeysa, waxaana ilaa iyo hadda shaaciyey in ay xilkaas u tartami doonaan in ka badan 20 musharrax.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya