4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
Sarkaal ka tirsanaa sirdoonka ururka Al-shabaab Maanta oo isu soo dhiibay Ciidamada Dowladda ee Baydhabo ku sugan

Sabti, November 30, 2013 (HOL) — Sarkaal lagu magacaabo Aadan Haar Geel oo ka mid ahaa saraakiisha sir-doonka kooxda Al-shabaab ayaa maanta yimid magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, isagoo ka yimid Degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo uu in muddo ah ku sugnaa.

Sarkaalkan ayaa waxay walaalo yihiin Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur), isagoo horay u ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska Somalia xilligii ay jirtay dowladdii KMG ahayd ee uu hoggaaminayay Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Aadan Haar oo isku soo dhiibay ciidamada dowlaadda Somalia ee Baydhabo ku sugan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay degmada, iyadoo xubnihii soo dhaweeyay uu ka mid ahaa taliye ku xigeenka saldhiga booliiska Baydhabo.

Sarkaalkan kasoo goostay Al-shabaab ayaa haatan ku sugan xarunta taliska qaybta booliiska ee gobalka Baay, iyadoo weli ay wareysanayaa saraakiisha nabad-sugidda magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo oo uu ka socdo shirka maamul u sameynta lix gobo loo ku yaalla Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya ayaa gabi ahaan sugidda amniga xarunta shirku ka socdo la wareegay ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu arkayo halka uu shirku ka socdo.

Ciidamada AMISOM oo u badan kuwo booliis ah ayaa xiray gabi ahaan jidka hor-mara xarunta ADC-da Baydhabo oo uu ka socdo shirka, iyadoo shirka uu galay wajigiisii labaad oo ah mid lagu soo dhisayo maamulka ay gobolladan yeelanayaan.

Hiiraan Online, Baydhabo