4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
Maamulka Puntland oo ka hadlay dagaalkii Maalin ka hor ka dhacy degmada Taleex ee Gobolka Sool (WAR-SAXAAFADEED)

Sabti, November 30, 2013 (HOL) — Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dagaalladii ka dhacay Puntland, iyadoo war-saxaafadeed ay soo saartay maanta ku sheegtay in ilaallada madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Jen. Cabdisamad Cali Shire oo jooga degmada Taleex ee gobolka Sool ay iska difaacay weerar maalintii Khamiista ahayd oo bishan ay ku beegnayd 28-ka ka dhacay degmada, isagoo sheegay in dagaalkaas ay soo qaadeen cidammo uu hoggaamiyo, Maxamad Yusuf Jamac (Indho-sheel) oo ka yimid qurbaha.

Waxaa dagaalkaas ku dhintay hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland iyo dhaawac culus oo soo gaaray askari kale, iyadoo dhinaca Indho-sheel ay ku soo weerareen ciidamada ilaallada madaxweyne ku-xigeenka Puntland hub culus sida lidka taangiga.

Isku dhacaas waxaa kaga dhintay toddobo ka mid ah ciidamadiisa oo weerar kusoo qaaday ciidamada Puntland.

“Maalintii November 27, Indho-sheel iyo ciidamadiisa waxay yimaadeen jidka laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Hargaysa, tuulada God-Qaboobe oo 11-km dhanka bari ka xigta Tukaraq oo ah xarunta KMG ah ee gobolka Sool, isla markaasna uu ku yaallo koontaroolka iyo difaaca hore ee Puntland,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Puntland.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedka in ciidamada Puntland ay laamiga ka baacsadeen Indho-sheel iyo ciidamadii uu watay si aysan hakad u gelin isku socodka dadka, gadiidka iyo ganacsiga u dhaxeeya gobollada ku yaala Puntland iyo Somaliland.

“Indho-sheel wuxuu damacsanaa inuu Tukaraq ka go’doomiyo gobollada Puntland, uuna carqaladeeyo isu socodka, deegaankaasna uu ka abuuro jawi amni-darro ah,” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in Indho-sheel uu u baxsaday dhanka xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Puntland ayaa hore dhowr jeer u dul-qaadatay tallabooyin daan-daansi ah oo lagu qal-qal-galinayo nabadda iyo amniga dalka. Indhosheel iyo koox la magacbaxday “Khaatumo” waxaa abaabula oo maalgaliya siyaasiyiin hore u fashilmay siyaasadda, kuwaasoo ujeedkoodu yahay in xasillooni darro laga abuuro Puntland ka hor doorashooyinka Jannaayo 2014-ka” ayaa sidoo kale lagu yiri warka kasoo baxay Puntland.

Maamulka Puntland ayaa sidoo kale warkiisan ku sheegay in tan iyo bishii Ogoosto ee sannadkan, madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu ku sugnaa qaybo ka mid ah gobolka Sool, gaar ahaan degmada uu kasoo jeedo ee Taleex si uu dhiirri-galiyo nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka deegaanka, ugana hirgaliyo mashaariic horumarineed.

Ugu dambeyn, Puntland waxay sheegtay inay nabadda ugu baaqayso dadka, iyadoo ugu yeertay dhinacyadaasna ay kusoo biiraan nidaamka iyo hab-raaca siyaasadeed ee Puntland si loo hormariyo nabadda, cadaaladda iyo horumarka dalka.

Hiiraan Online, Gaalkacyo