4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
Machadka HORYAAL ee Kismaayo oo Maanta Shahaadooyin Guddoonsiiyay Arday Dhameysatay Barashada Ingiriiska [SAWIRRO]



Sabti, November 30, 2013(HOL) :- Munaasibad si heersare loo soo agaasimay islamarkaana shahaadooyin lagu gudoonsiinayay dufcadii 1-aad ee Ardey Dhameysatay Barashada Luuqadda Ingiriiska ayaa maanta ka dhacday Iskuulka Farjanno ee magaalada Kismaayo.

Xafladdan oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Kismaayo, haween, odoyaal, Culumaa’udiin,  xubno ka socday xiriirka kubadda cagta gobolka, waalidiin, Ardey iyo dadweeyne kale ayaa waxa soo qabanqaabiyay maamulka Machadka Horyaal ee waxbarashada deg deg ah iyo luuqadaha, waxaana shahaadooyin lagu gudoonsiinayay dufacadii 1-aad ee ka qalinjabisay machadka oo dhameysatay barashada luuqadda Ingiriiska.

Max’ed C/laahi (SLA) oo kamid ah garsooreyaasha gobolka J/hoose islamarkaana hadal ka jeediyay xafladda ayaa u mahadceliyay macalimiinta machadka Horyaal, wuxuuna guul ku tilmaamay ardeyda maanta shahaadooyinka la gudoonsiinayo.

Dhamaan dadkii goobta ka hadlay ayaa si isku mid ah u bogaadiyay ardeydii shahaadooyinka la gudoonsiinayay iyagoona ku booriyay macalimiinta machadka in ay laba jibaaraan dadaalkooda.

Qaar kamid ah ardeydii shahaadooyinka la gudoonsiinayay ayaa goobta kusoo bandhigay riywaayad ka turjumeeysay faa’iidada ay leedahay waxbarashada iyo dhibaatada Jahliga, waxaana sidoo kale goobta kahadlay qaar kamid ah ardeyda oo muujinayay heerka aqoontooda.

Ugu danbeyntii waxaa goobta khudbad ka jeediyay maamulaha Machadka Macalim Max’uud Max’ed Ibraahim, waxa uuna sheegay in ardeydan oo ay tiradoodu gaareeyso ilaa 12-arday ay waxbarashada luqadda soo wadeen mudo sedex sano ah, imikana ay awood u leeyihiin in ay ku hadlaan, qoraan islamarkaana turjumaan luqadda Ingiriiska.



Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.