4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI oo ku dhaliilay Xukuumadda inaanay ka hadal dagaalka ka socda Degmadda Taleex

Sabti, November 30, 2013 (HOL) — Xisbiga WADANI ayaa cambaareeyey dagaalka ka socda magaaladda Taleex ee gobolka oo ay ku eedeeyeen inay dagaalkaasi dad shacab ah ku laayeen  maamul goboleedka Puntland, isla markaana ay ku soo xadgudubtay xadka Somaliland.

Sidoo kale, waxay xukuumadda Somaliland ku dhaliileen ka jawaabi la’aanta dagaalkaas ay maamulka Puntland ku soo qaatay Somaliland.

“Haddaanu nahay xisbiga WADANI waxaanu canbaaraynaa weerarka joogtada ah ee qaawan ee Maamul goboleedka Puntland ku hayso shacabkayaga, gaar ahaan gobolka Sool si gaar ah degmada taleex aad iyo aad ayaanu u canbaaraynayaa”ayuu yidhi Xoghayaha guud ee xisbigaasi Md.Maxamed Cabdilaahi Uur-cade oo maanta shirjaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa.

“Faro-galinta mudooyinkan danbe ay ku hayso maamulka Puntland gobolada bari ee Sool gaar ahaan Taleex arrinkaas maaha mid loo dulqaadan karo in shacabka Somaliland ee ku dhaqan degmada taleex in la xasuuqo maatida yar yar  ee aan waxba galabsan ee maalin walba sida badheedhka ah putland ugu soo duulayso aad iyo aad ayaanu uga xunnahay ka xisbiga WADANI ahaan waana arrin fool xun oo baalmadow ku noqon doonta hadaanay ka hadlin xukuumadda Somaliland talaabona ka qaadin”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Sidoo kale, waxa uu xukuumadda ku dhaliiley ka jawaabi la’aanta dagaalkaasi ka dhacay gobolka Sool, isla markaana aanay waxba ka qaban, waxaanu yidhi: “Waxaan kaloo arrin nuqsaani ku jirto u aragnaa inay ka gaabiso xukuumaddu inay shacabkeeda ku nool degmada Taleex ay ka difaacdo maamulka Puntland ee hadh iyo habeen ku garaacaya madaafiicda joogtada ah waana arrin  nasiib darro ah inaanay ilaa hadda wax go’aan ah kasoo saarin aad iyo aad ayaanu uga xunnahay in dadkeedii oo la xasuuqayo in ay daawanayso xukuumaddu waan arrin nasiib daro ah oo soo wajahday xukuumadda Kulmiye”.

Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda kama ay hadal xukuumadda Somaliland dagaalka ka socda magaalada Taleex, waxaana dadkii ku dhaawacmay xalay la soo gaadhsiiyey cisbitaalka magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland