4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
Mudanayaal ka Tirsan Baarlamaanka Somalia oo Madaxweynaha Puntland ku eedeeyay dhibaatooyinkii ka dhacay Degmada Taleex


Sabti, November 30, 2013(HOL) :- Xildhibaanada baarlamanka federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobollada Sool, Sanaal iyo Cay nee maamulka Khaatumo State of Somaliya ayaa cambaareeyey dhibaatooyinkii ay shacabka badan ku dhinteen eek a dhacay magaalada Taleex ee gobolka Sool, kuwaasoo ay ku eedeeyeen in uu masuul ka yahay Madaxweeynaha maamulka Puntland Mudane C/raxmaan Faroole.

Xildhibaan Cali Khaliif Galary oo kamid ah mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya oo kamid ahaa xildhibaanno maanta shirk u qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweeynaha Puntland inuu masuul ka ahaa dhibaatooyinkii ka dhacay Taleex, wuxuuna xusay in shirka looga tashanayo aayaha maamulka Khaatumo uu dhici doono.

Masuulkan ayaa sheegay in cawaaqib xumada ka dhalata dhibaatooyinkii ka dhacay Taleex uu masuuliyadooda qaadan doono Madaxweeynaha maamulka Puntland Mudane C/raxmaan Faroole.



Sidoo kale Xildhibaan C/rashiid C/laahi Max’ed ayaa isna si kulul uga hadlay dhibaatadii ka dhacday degmada Taleex, isagoona eed dusha uga tuuray maamulka Puntland oo uu xusay in uu masuul ka ahaa dagaalladaasi ka dhacay degmada Taleex ee ay dadka badani ku dhinteen.

Xildhibaanadii ka hadlay shirkii maanta waxaa isna kamid ahaa Xildhibaan C/waaxid, waxa ayna dhamaantood si isku mid ah uga tacsiyeeyeen dadkii ku dhintay dagaalladaasi, iyagoona sidoo kale caafimaad u rajeeyay dadka ay dhaawacyada kasoo gaareen.

Dagaal dhawaan magaalada Taleex ku dhexmaray ciidamo ka tirsanaa maamulka Puntland iyo kuwo kale oo taabacsanaa madaxweeyne ku xigeenka maamulka Khaatumo Max’ed Jaamac Yuusuf (Indho-Sheel) ayaa sababay dhimashada dad kor u dhaafaya 10 qof iyo dhaawacyo intaas ka badan, waxaana sidoo kale ay sababeen burbur xooggan oo gaaray qeybo kamid ah dhismayaasha ku yaallada magaalada Taleex ee gobolka Sool.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya