4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
Musharrax C/llaahi Siciid Samatar: "Dadka Khaatumo Masiirkooda in ay ka Tashadaan iyagaa xaq u leh" (SAWIRRO)


Sabti, November 30, 2013 (HOL) —
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa maanta si diirran loogu soo dhoweeyey Jen. C/laahi Siciid Samatar oo kamid ah musharraxiinta u tartami doona madaxtinimada Puntland, marka la gaaro doorashada dhici doonta January 8, 2014.

Dadweyne boqollaal gaaraya oo isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahan, isimmo haween iyo dhalinyaro, ayaa Mushrrax Samatar kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Musharraxa oo dadkii soo dhoweeyey garoonka si kooban ugula hadlay, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey sida diirran ee ay usoo dhoweeyeen, wuxuuna sheegay in ay u muujiyeen dareen farxad leh kaasoo cadeyn u ah sida loogu heellan yahay isbeddel xilligan Punltand ka dhaca.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:



Dhinaca kale wuxuu ka hadlay dagaallo dhowaan ka dhacay magaalada Taleex ee gobolka Sool iyo deegaano hoos taga, isagoo tacsi u diray ehelada dadkii dagaalladaas ku geeriyoodey, kuwa ku dhaawacmayna caafimaad u rajeeyey.

" Puntland qoor qabad kuma iman...dadka Khaatumo masiirkooda inay ka tashadaan iyagaa xaq u leh, Puntland iyaga ayaa ka tegey wayna kusoo laaban karaan...laakiin cidna lama khasbi karo" Jen. Samatar ayaa yiri.

Tirada musharraxiinta u taagan madaxtinimada Puntland ayaa soo kordheysa maalinba maalinta ka dambeysa, waxaana ilaa iyo hadda shaaciyey in ay xilkaas u tartami doonaan in ka badan 20 musharrax.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya