4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Muqdisho Kula Kulmay Maanta Dallad ay ku Midoobeen Dhallinyaro Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Sabti, November 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa saaka kulan ballaaran kula qaatay Muqdisho ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYOU oo xaruntoodu tahay Muqdisho.

Kulankan ayaa qayb ka ah tallaabooyin ay xukuumaddu ku dhageysanayso fikradaha dhallinyarada si loo sameeyo barnaamijyo dhamaystiran oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka haysta dhallinyarada, kuwaasoo ay ka mid yihiin, shaqo la’aanta, tahriibka iyo ka hortaga dhallinta ku biiraysa kooxaha dagaallada kawada dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horreyntii ku baraarujiyay dhallinyarada inay qaataan kaalintooda, kuna daydaan dhalintii keentay xoriyadda, kuwaasoo ahaa dhallinyaro is jecel oo hal-ku-dhiggoodu ahaa midnimadda iyo Qaranimada Soomaaliya.

“Dhallinyarada maanta joogta waxaa saameyn ku yeeshay qabyaaladda taas oo hoos u dhigtay isku xirnaantooda, waxayna dhaawac u gaystaay inay hor-seed u noqdaan horumar dalka. Waxaan idinka waaninayaa dhibaatada qabyaaladdu leedahay waad aragteen waxay dhaxalsiisay dalkan, waana in aad midnimo iyo wadaniyad muujisaan,” ayuu yiri Saacid oo dhanka kale xusay inuu waajib gooni ah ka saaranyahay dhallinyarada inay door muhiim ah ka qaataan adkeynta nabadgelyada ayna wada-shaqeyn la yeeshaan gabi ahaan ciidamada amniga si looga hortago kooxaha dhibaatada ku haya dalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku boorriyay dhallinyarada inay qayb weyn ka qaataan sidii dhallinta soo koraysa looga hor-istaagi lahaa inay gacanta u galaan kooxda Al-shabaab, iyagoo waddo kasta ku gaarsiinaya fariinta.

“Waddan kasta waxaa jihada wanaagsan u kaxeeya dhallinyarada, maantana waxaa jira yididdiilo fiican, marka la eego horumarka caalamka ee dhanka tiknoolajiyada. Taas waxay abuuri kartaa in dhallinyaradu si fudud ku xiriiran warbaahintana isugu marsiiyaan fariimaha xambaarsan midnimada, is-dhex-galka bulshada, horumarka iyo ka hortaga argagaxisada. Idinkoo taas ka fa’iidaysanaya waa inaad door muuqda ku yeelataan wacyi-gelinta dhallinta dalka oo ka billaabanaysa xaafadaha aad dagan tihiin,” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Ugu dambeyn, dhalliyarada ayaa uga mahad-celiyey ra’iisul wasaaraha kal-soonida uu ku qabo dastuurka in lagu xaliyo khilaafaadka jira. Sidoo kale dhallinyarada ayaa sheegay in looga fadhiyo dowladda inay wax weyn ka qabato baahiyaha da’yarta soo koraysa kuwaasoo u baahan waxbarasho, shaqo abuurid iyo inay helaan xarumo ay ku kulmaan laguna tababbaro.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya