4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
MUSHARRAX C/WELI GAAS: "Maamulka Puntland Waxaan ugu baaqayaa in aan dhibaato la Geyn Degmada Taleex” (SAWIRRO)


Sabti, November 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda colaadeed ee ka jirta deegaanno ka tirsan gobolka Sool, waxaana uu baaq u diray madaxda Puntland.

Dr. Gaas oo maanta dib ugu soo laabtay Gaalkacyo kaddib socdaal uu ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa saxaafadda kula hadlay guddaha garoonka diyaaradaha Gaalkacyo isagoo ugu horreyn ka hadlay ujeeddada socdaalkii uu ku tagay Nairobi.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan Gaalkaco kusoo laabto, socdaal yar ayaan ku gaaray Nairobi, waxaan ujeeddadiisu ay ahayd labo arrimood oo midi ay tahay inaan qaylo-dhaan gaarsiyo beesha caalamka xubnahooda ka jooga Nairobi si ay gacan uga geystaan samatabixinta dadkii dhibaatadu ka soo gaartay dhibaatadii ka dhacday Puntland. Midda kalana waxay ahayd inaan beesha caalamka ugu warramo xaaladda ka jirta Puntland iyo qabka ay u dhici doonto doorashada billowga sannadka cusub dhacaysa; waxaana isla garanay inay indha-dheer ku eegaan doorashada dhacaysa, si wanagsan ayayna noogu soo dhamaadeen shirarkeennii," ayuu yiri Gaas.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay dagaalladii dhawaan ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Sool isagoo sheegay in arrinta ay tahay wax laga xumaado oo xilli ay soo dhawdahay doorashadii madaxtinimo in qaybo ka mid ah dalka ay ka billowdaan colaado cusub, waxaana uu hadalkiisa baaq uu ugu diray madaxda ugu sarreysa Puntland, isagoo ugu baaqay in laga hortago inay baahan colaadaha kasoo cusboonaday deegaanno ay degmada Taleex ka mid tahay.

"Waxaan tacsi u digayaa dadkii ku dhintay dagaalladaas, waaxana xilligan ku baaqaya in arrinta laga hortago oo xalkeeda la-wadda-baadi-goobo madaxda Puntlandna waxaan u sheegaya yeesan dhib geyn Taleex, baadi gooba sidii xasillooni looga dhalin lahaa dhulka oo loo hakin lahaa colaadda," ayuu yiri Gaas.

Isku soo wada dubu xilli la doonayo in Puntland ay ka qabsoonto doorashada madaxtinimada oo dhacaysa bilowga sannadka cusub ayaa hadda waxaa jirta in deegaanno ka tirsan gobolka Sool oo qaybo ka mid ah ay Puntland maamusho ay kasoo cusboonadeen xiisado dagaal.



Hiiraan Online, Gaalkacyo