4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
Somalia oo Dib u soo Nooleysay Xiirkii Kala Dhexeeyey Nigeria iyo Saraakiil Dalkaas ka socday oo Muqdisho yimid (SAWIRRO)


Sabti, November 30, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamud ayaa maanta xarunta madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay  safiirka dowladda Nigeria u soo magacowday soomaaliya, Akin Oyateru.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiir ka socday dalka Uganda, A.F.Okoh iyo saraakil sare oo booliiska Najeeriya ka tirsan, waxayna muujiyeen inay Najeeriya ka go’an tahay taageeridda dowladda Soomaaliya.

Dowladda Nigeria ayaa waxay qayb ka ahaayeen dalalkii Soomaalilya u soo diray ciidamdii UNISOM ee sannadkii 1991-kii ka howlgalay Somalia, kuwaas oo hoostagayay Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa wuxuu yiri: “Soomaaliya waxay kusoo jirtay dagaal muddo dheer soo socday oo la dagay dhammaan hay’adaha dowladda oo hadda aan dib-u-dhis ku wadno. Dowladda Nayjeeriyana waxay hadda qayb ka tahay ciidamadda booliska AMISOM.”

Safiirka Najeeriya ayaa wuxuu madaxweynaha u gudbiyay warqad uu ka siday madaxweynaha Nijeeriya, Jonathan Goodluck taasoo lagu casuumay madaxweynaha Soomaaliya inuu booqasho rasmi ah ku tago dalka Nijeeriya.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya