4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
Kulan looga Doodayo Mooshinka ka Dhanka ah Xukuumadda oo Furmay iyo Doodda Mooshinka oo dib loo dhigay (SAWIRRO)


Sabti, November 30, 2013 (HOL) — Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ayaa waxaa ka furmay maanta kulankii looga doodayay mooshinka ka dhan ah xukuumadda Somalia, iyadoo ay goob-joog ahaayeen 248 mudane.

Kulanka ayaa waxaa furay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) isagoo ka dalbaday xildhibaannada inay si Alle ka cabsi leh u meel-mariyeen ajandaha maanta.

“Waxaa loo baahan yahay in goluhu ay ku sifoobaan ka gudbidda marxaladda u dalku ku jiro iyo soo celinta kalsoonida dadka. Xildhibaannada mooshinka soo gudbiyay waxaa looga baahan yahay inay ajandahooda ku saleeyaan horumarka iyo mustaqbalka dalka,” ayuu yiri Jawaari oo kulanka ka hadlay.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Intaa kaddib waxaa isaguna xildhibaannada mooshinka keenay magacooda ku hadlay xildhibaan Khaalid Cumar Cali oo sheegay in mooshinkooda ay u soo gudbiyeen kaddib markii ay xukuumaddu fulin wayday howlihii loo idmaday.

“Xukuumaddu waxay ku guuldarreysatay wax qabashada arrimo badan oo ay ka mid yihiin; ammaanka iyo dhowrista xuquuqda aadanaha,” ayuu xildibaanka, isagoo intaas kaddibna goobta ka akhriyay magacyada xidhibaannadii mooshinka soo gudbiyay.

Mudanayaal tiradoodu ahayd 83-xubnood oo ka qaybgalaya doodda ayaa is-qoray; iyadoo xildhibaannada iyo guddoonka baarlamaanka Somalia ay isku mari waayeen inta daqiiqo ee xildhibaanku uu hadli karo, iyadoo gudoonka uu soo jeediyay in xildhibaan walba uu hadlayo shan daqiiqo, halka mudanayaashuna ay sheegeen in xeer hoosaadka uu ogol yahay in xidhibaanku uu hadlo 10-daqiiqo, dooddaas oo noqotay mid adag.

Ugu dambeyn, guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in doodda ay billaabanayso berri oo Axad ah, iyadoo markaas kaddibna lasoo xiray kulankii baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya