4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
Qunsuliyadd Soomaaliya ee dalka Sucuudiga oo ka hadashay Somali ku jirta Xabsiyada dalkaas iyo Tarxiilka lagu hayo

Sabti, November 30, 2013 (HOL) — Qunsuliyadda Somalia ay ku leedahay boqortooyada Saudi Arabia ayaa ka warbixisay kumannaan Soomaali ah oo ku jira xabsiyada dalkaas iyo musaafurinta lagu hayo Soomaalida ku nool dalkaas.

Daahir Axmed oo u hadlay qunsuliyadda Soomaalida ee dalka Saudi Arabia ayaa sheegay inay jiraan kunnaan qof oo Soomaali ah oo ku jira xabsiyada dalka Saudi Arabia, kuwaasoo oo uu sheegay inay u diyaarsan yihiin sidii dib loogu celin lahaa dalkoodii Soomaaliya.

“Xabsiyada magaalooyinka waaweyn sida Jidda way buuxaan, wax dhib ahna ka taagna, balse waxay cabshada inteeda badan ka imaanaysaa xabsiyada ku yaalla gobollada,” ayuu yiri Daahir Axmed oo intaas ku daray inuu socdo qorshaha qoxootigaas dib loogu soo celinayo Soomaaliya.

Sidoo kale, mas’uulkan ayaa hadalkiisa ku daray in Soomaalida ay intooda badan imaanayaa goobaha tarxiilka, kaddib markii amar lagu bixiyay inay isaga baxaan dalkaas dadka ajnabiga ah ee aan sharciga haysan.

“Maalin walba waxaad arkaysaa Soomaali badan oo goobaha tarxiilka jooga si dalkooda loogu soo celiyo, taasina waxay ku timid amar kasoo baxay boqortooyada,” ayuu yiri mas’uulkan.

Kumannaan Soomaali ah ayaa lasoo sheegayaa inay ku jiraan xabsiyada ku yaalla boqortooyada Saudi Arabia, kuwaasoo ay ku jiraan caruur, haween iyo dad waayeel ah oo aad uga cabanaya xaaladaha nololeed ee ku haysta xabsiyada dalkaas.

Haweenka qaarkood ayaa sheegay inay dhibaatooyin ku qabaan kaamirooyin ku xiran xabsiga oo mararka qaar muuqaalladooda laga daawado marka ay ku jiraan musuqulaha; taasoo ay sheegeen inay tahay caqabadda ugu weyn ee xabsiga ku haysata.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa maalmaha qaar kasoo daga diyaarado keenaya dad laga soo musaafuriyay Sucuudiga, kuwaasoo markii ay soo gaaraan Muqdisho Alle u mahadcelinaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya