4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 30, 2013
Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Yeelanaya Kulan Xasaasi ah oo looga doodayo Mooshinkii laga keenay Xukuumadda


Sabti, November 30, 2013 (HOL) —Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan xasaasi ah oo looga hadlayo mooshinkii dhawaan laga keenay xukuumadda Somalia, iyadoo la xiray waddooyinka soo gala xarunta golaha shacabka.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa kusii qulqulaya hoolka shirarka ee baarlamaanka iyadoo lagu wado in doodad maanta ay noqoto mid aad u adag, sida ay sheegayaan qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Mooshinka laga keenay xukuumadda Soomaaliya ee uu horkacayo ra'iisul wasaare Saacid oo ay saxiixeen 168-mudane looona qaybiyay xildhibaannada Axaddii lasoo dhaafay ayaa lagu wadaa in maanta magacyadooda looga dhawaaqo kulanka, markaas kaddibna la gudo-galo doodda.

“Kulanka maanta waa mid xasaasi ah, waxaana looga hadli doonaa mooshinkii dhawaan laga keenay xukuumadda, lamase garanayo sida ay xaaladdu noqon doonto,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, kulankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo xildhibaannada golaha shacabka ay u qaybsan yihiin laba garab oo midi uu si weyn ugu ololeynayo in xukuumada kalsoonida lagala laabto iyo midka kale oo u ololeynaya in xukuumaddu ay kalsoonida hesho.

Xukuumadda Soomaaliya oo soo shaqeynaysay muddo hal sano ah ayaa lagu waday in isbedel lagu sameeyo, inkastoo isbedel sameyntaas uu ka dhashay buuq soo dhexgalay madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare Saacid, kaasoo sababay in xukuumadda mooshin laga geeyo baarlamaanka.

Ciidammo aad u fara badan ayaa ilaalo ka haya dhismaha baarlamaanka Soomaaliya; halkasoo uu maanta ka dhacayo kulan aad xasaasi u ah, taas oo noqonaysa tii ugu xasaasinayd ee uu baarlamaanku yeesho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya