4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 29, 2013
Maamulka Galmudug oo sheegay inay dib u billaabayaan dhismaha Xarunta Baarlamanka Maamulkaas ee Koonfurta Gaalkacyo

Jimco, November 29, 2013 (HOL) — Kulan maanta magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo bulshada ayaa lagu sheegay in dib loo billaabi doono dhismayaal lugu horumarinayo Koonfurta Gaalkacyo oo ay Galmudug ka arrimiso.

Waxaa lugu sheegay shirkaas in dhawaan la billaabi doono dhismaha xarun ay yeelan doonaan baarlamaanka Galmudug, waxaana xaruntaasi hore u dhagax-dhigay madaxweynaha Galmudug.

Arrinta kale ee kulanka maanta sida weyn looga hadlay waxay ahayd sidii loo dayacrtiri lahaa jidadka burbursan ee dhex mara guddaha magaalada, waxaana la xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo billaabi doonno in dib loo eego jidadka inta badan u baahan in la dayactiro.

Wasiirka warfaafin Galmudug, Cali Maxamed Xassan oo saxaafadda la hadlay ka gadaal shirka markii uu soo dhamaaaday ayaa ka warbixiyay ujeeddada shirka loo qabtay, isagoo xusay in ujeeddada shirka ay ugu weynayd sidii dib loogu billaabi lahaa dhismaha xarunta baarlamaanka oo uu madaxweynaha Galmudug dhagaxp-dhigay  bishii Diseember ee sannadkii hore.

Sidoo kale, wasiirka oo ah afhayeenka maamulka Galmudug ayaa xaqiijiyay in maalinta barri ah dib loogu billaabi doono dhismaha baarlamaanka Gal-mudug ay yeelanayso.

Afhayeenka wuxuu hadalkiisa kusoo qaday in dhawaan Gaalkacyo ay ka billaabmi doonto dhismayaal ay iska kaashanayaan maamulka Galmudug iyo dadweynaha ku dhaqaan deegaannada uu maamulkaas ka taliyo.

Shirkan ayaa kusoo beegmay xilli ay horey u istaagtay qorsho la doonayay in lugu dhameystiro xaruta lugu wado inay yeeshaan baarlamaanka Gal-mudug oo aan lahayn xarun rasmi ah oo ay kal-fadhiyadooda ku yeeshaan.

Hiiraan Online, Gaalkacyo