4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 29, 2013
Shirka Maamul-sameyta gobollada Koonfur-galbeed ee Somalia ee ka socda Magaalada Baydhabo oo u Gudbay Wajigii Labaad


Jimco, November 29, 2013 (HOL) — Shirka ka socda magaalada Baydhabo ee la doonayo in lagu dhiso maamul ay yeeshaan lix gobol oo ku yaalla Koonfurta iyo Galbeedka Somalia ayaa u gudbay wajigiisii labaad sida ay u sheegeen warbaahinta guddiga shirkan maamulka u haya.

Guddiga ayaa sheegay in wajigii koowaad ee shirka uu ahaa mid ay isku-baranayeen ergooyinka shirka ka qaybgalaya laguna dajinayay qorshaha maamulka lagu sameynayo, kaasoo maanta ayaa lasoo gaba-gabeeyay.

“Shirku wuxuu galay wajigiisii labaad, wajiganna waa kii lagu soo dhisayay maamulka lixda gobol ay yeelanayaan, waxaana qaybtan labaad ay si rasmi ah u billaabanaysaa maalinta Sabtida ah ee soo socota,” ayay guddigu ugu sheegeen warbaahinta magaalada Baydhabo.

Guddigu waxay sheegeen in wajigan labaad ay howshiisu culus tahay lana qaybinayo ergooyinka shirka ka qaybgalaya si ay koox walba u soo diyaariso qayb ka mid ah howsha, kuwaasoo ay ka mid yihiin: qorista Dastuurka uu maamulkan yeelanayo, ansixintiisa, doorshada baarlamaanka maamulka iyo doorashada madaxweyaha.     

Shirkan ka socda Baydhabo ayaa waxaa dhawaan sugidda ammankiisa la wareegay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo ergooyinka qaar ka mid ah ay sheegeen in arrintan ay ku timid kulan dhexmaray iyaga iyo ergayga Midowga Afrika ku qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Saalax Al-Nadiif.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya