4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 29, 2013
Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland oo Xarigga ka jjaray Kawaan Casri ah oo loo dhisay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer

Jimco, November 29, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qaybgalay mashaariic kala duwan oo laga hirgalinayo magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

Mashaariicdan ayaa waxa ka mid ahaa Kawaan casri ah oo xoolaha lagu qali doono iyo beero lagu xanaaneyn doono xoolaha.

"Waxaan la Wareegaynaa Kawaan Casri ah Oo Lagu Qali-Doono Xoolaha Nool Oo ay Dhistay Hay’ada FOA, Runtii Aad iyo Aad ayaanu uga Mahad Celinaynaa Kawaankani Casriga ah,Waxaan Cadaynayaa inuu Kawaankani Yahay midka Ugu Casriyeysan Kawaanada ka Jira Somaliland”ayuu yidhi Maayarka Burco Maxamed Yuusuf (Muraad)

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr:Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa sharaxaad ka bixiyey Hirgalinta Mashriicdan Iyo Sidoo Kale Mashaariic Kale Oo Laga Hirgalin-Doono Gudaha Iyo Duleedka Magaalada Burco, Waxaana Uu xusay In Mashaariicyadani Ay Kamid Yihiin Wax-Qabadka Muuqda Ee ay ku Talaabsatay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa  sheegay inay mashruucan faa’iido badan ka helayaan  dadweynaha reer Togdheer iyo guud ahaan shacabka Somaliland.

Madaxwayne ku Xigeenka ayaa ku faanay  in Mashruucan iyo Waliba Mashaariic Kale Uu Xadhiga ka Jari-Doonaba ay ka Mid Yihiin Waxqabadka ay ku Talaabsatay Xukumada Uu ka Midka Yahay.

Madaxwayne ku Xigeenku waxa kale oo uu Dhagax-Dhigay Sariibad Cusub Oo Laga Dhisi-Doono Xaafada Hodan iyo Waliba Seero Lagu Xanaanayn-Doono Xoolaha Nool, Kaasi Oo Laga Hirgaliyay Deegaanka Aroori ee duleedka magaaladda Burco.

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar X C/Laahi Xamarji, Wasiirka Beeraha Prof. Faarax Cilmi Geedoole Iyo Wasiiru-Dawlayaasha Wasaarada Madaxtooyada Iyo Waxbarashada ayaa iyaguna u mahadnaqay Hay’ada FAO oo Hirgalisay Mashruucan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland