4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 29, 2013
MUSHARRAX SHIRE XAAJI FAARAX: "Colaadda kasoo cusboonaatay gobolka Sool waa in si Deg-deg ah loo joojiyaa..."


Jimce, November 29, 2013 (HOL) —
Musharrax Shire Xaaji Faarax oo kamid ah musharraxiinta shaaciyey in ay u tartami doonaan madaxtinimada Puntland, marka la gaaro doorashada dhici doonta bisha January ee sanadka soo socda, ayaa shir jaraa'id oo xalay uu magaalada Boosaaso ku qabtay, wuxuu ku cambaareeyey dagaalkii shalay ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool.

Musharraxa ayaa ku baaqay in coolaadda deegaankaas kasoo cusboonaatay si deg deg ah loo qaboojiyo, isagoo dhanka kale tacsi u diray ehelada dadka dagaalkaas ku geeriyoodey kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

 " waxan ku baaqaynaa in dhaacdadan iyo kuwa la mid ah aan looga faa’idaysan arrimo siyaasadeed. Mana aha wax fiican in damac siyaasadeed lagu abuuro colaad laguna daadiyo dhiig sokeeye" ayuu yiri isagoo intaas raaciyey  "Dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, walaalayaal waxaan mar labaad iyo mar saddexaad idinka codsanayaa in aad xabadda joojisaan si shuruud la’aan ah"

Dhinaca kale guddiga wada-tashiga ee gobollada Bari iyo Sanaag oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin -ay qaarkood horay Puntland xilal uga soo qabteen- aqoonyahan, cuqaal iyo waxgarad ayaa iyaguna si kulul u cambaareeyey dagaalka ka dhacay degmada Taleex, iyagoo mas'uuliyaddiisana dusha u saaray dowladda Puntland.

War qoraal ah oo guddigu uu warbaahinta u qabiyey, ayuu ku sheegay in colaadda kasoo cusboonaatay gobolka Sool ay tahay mid laga soo abaabulay madaxtooyada Garoowe, islamarkaana laga leeyahay ujeedo siyaasadeed.

"Guddiga wadatashiga Bari iyo Sanaag,waxay ku baaqayaan in si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaada iyo dagaalada la dhexdhigay dadka walaalaha ah ee kasoo jeeda gobollada Sool iyo Cayn, sidoo kale Guddigu wuxuu ku baaqayaa in dadka deeganadaas kunool loo ogolaado inay aayahooda ka tashadaan; taasoo ah xaq Dastuuri ah" war-saxaafadeedka ayaa sidaas lagu yiri.

Dagaallo 48-dii saac ee ugu dambeeyey ka dhacay gobolka Sool gaar ahaan degmada Taleex, waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad 10 qof, iyadoo ay tiro intaas ka badani ku dhaawacantay. Xaaladda deegaanadii uu shalay dagaalku ka dhacay ayaa saaka ah mid deggen, inkasta oo weli saan saan colaadeed laga dareemayo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya