4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 28, 2013
Hay’adda MSF oo ka Digtay in Qoxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab-Kenya ku nool xilligan dib loogu celiyo Dalka Soomaaliya


Khamiis, November 28, 2013 (HOL) — Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa ka digtay maanta oo Khamiis ah in qoxootiga Somaaliyeed ee ku jira xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya xilligan dib loogu celiyo Soomaaliya.

Saraakiil u hadlay hay’adda ayaa sheegay in qoxootigan aysan intooda badan doonayn inay xilligan dib ugu laabtaan Soomaaliya, iyagoo ka baqdin qaba colaadaha ka jira iyo xaaladaha dhaqaale oo aad u liita.

“Qofna ma dooran inuu qoxootinimo ku noolaado, qoxootigan waxay kasoo carareen colaado ka jira dalkooda, waxayna ku nool yihiin gargaarka ay ka helaan hay’adaha gargaarka,” ayuu ku yiri madaxa howlaha MSF, Dr. Jean-Clément Cabrol warsaxaafadeed ay hay’addu soo saartay.

Isagoo sii halaya ayuu mar kale yiri: “Ruuxii doorta inuu dib u laabto waa la soo dhaweynayaa, balse waxaan ka digaynaa in si khasab ah dib dalkoodii loogu celiyo, taasoo sababi karta in gargaarkii ay heli jireen uu ka go’o. Waa in qof walba oo laabanaya uu iska eego ammaanka.”

Hay’adda ayaa war-saxaafadeedka ay soo saartay waxay ku sheegtay inay ogaadeen in shanti qof oo ka mid ah qoxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab aysan afar ka mid ah doonayn inay dib ugu laabtaan Soomaaliya, iyagoo ka baqdin qaba xaaladaha ammaan ee ka jira.

Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxaa ku nool qiyaastii 610,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo qaarkood ay ku noolaa xeryahaas in ka badan 20-sano, kaddib markii ay dalkooda uga carareen colaado socday tan iyo 1991-kii.

Colaadaha Soomaaliya ayay haya’ddu sheegtay inay 1.1 Milyan qof ay ku qasbeen inay dalka gudihiisa ku barakacaan, halka hal milyan oo kalena ay qoxooti ku yihiin dalalka dariska la ah Soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya.

Madaxa howlaha ee MSF, Dr. Cabrol wuxuu sheegay in dowladda Somalia iyo dalalka ay gacan-saarka leeyihiin looga baahan yahay damaanad buuxda oo ku aaddan in qoxootiga dib u laabanaya ay helaan xuquuqahooda aasaasiga ah.

“Haddii la doonayo in qoxootiga dib loogu celiyo dalkoodii Soomaaliya waa in marka hore laga fikiro in qoxootigaas ay helayaan meelo ammaan ah oo ay ku noolaadaan iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin, waana in taas culeyska la saaro,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka MSF.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhawaan ku heshiiyay in qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya dib loogu celiyo Soomaaliya, waxaase xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in qofkii doorta la celinayo, halka xukuumadda Kenya ay maalmo ka hor sheegtay in qoxootiga dib loogu celinayo Soomaaliya lana xirayo xeryaha qoxootiga ee Kenya ku yaalla.

Hay’adda MSF ayaa bishii Ogoosto ee sannadkan ka baxday Soomaaliya, kaddib markii ay sheegtay inay caqabado kala kulantay kooxaha hubeysan ee Soomaaliya ku sugan, waxaana hay’addu mar qura ka baxday guud ahaan Somalia oo ay ku jiraan Somaliland iyo Puntland oo xasilloon marka loo eego deegaannada ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya