4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 28, 2013
Dagaal khasaare nafeed geystay oo Maanta degmada Taleex ku dhexmaray Ciidammo ka kala tirsan Puntland iyo Khaatumo

Khamiis, November 28, 2013 (HOL) — Ku dhawaad 12 ruux ayaa ku dhintay tiro intaas ka bandanna way ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay magaalada Taleex ee gobolka Sool; kaddib markii ay dagaalameen ciidammo ka yimid Puntland iyo kuwo kale oo taageersan madaxwene ku xigeenka maamulka Khaatumo, Maxamed Jaamac Yuusuf (Indha-sheel).

Boqolaal qoys ayaa ka qaxay magaalada, kuwaasoo kusii jeeda sida ay noo sheegeen goobjoogayaal ku sugan halkaas meel ay xabadda kaga nabad-galaan, waxaana la sheegayaa inaanay intooda badan haysan gaadiid oo ay lug kaga baxeen degmada iyagoo kusii jeeda deegaanka Dhumay oo 40-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Taleex.

Maxamed Cismaan Cabdinuur oo ah suxufi degmada Taleex gaarey gabal-gaabkii maanta ayaa sheegay in ciidanku ay adeegsadeen hubka culus taas oo la arki karo burburka meherado badan oo waddadda hareeraheeda ku yaallay, isagoo intaas ku daray in ciidamada Puntland ee meesha soo galay ay rasaas waaweyn ugu jawaabayeen halka ay kaga soo dhacdo rasaasta, taasoo sababtay in guryo badan waxyeello gaarto.

Sidoo kale, Raxma Cali Xasan oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa iyaduna sheegtay in aysan furi karin albaabka gurigooda ayna ka baqayaan rasaasta, waxaanay intaas raacisay inay baadi-goobayaan sidii ay uga bixi lahaayeen deegaankooda.

Wararku waxay intaas ku darayaan inuu magaalada Taleex soo gaarey madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, C/samad Cali Shire iyadoo ay weheliyaan saraakiil, xildhibaanno hore iyo ciidamo fara badan.

Dhinaca kale, waxaa goor-dhoweyd soo gaarey tuulada Godaalo oo Taleex kaga beegan  dhinaca Waqooyi-galbeed in ka badan 80-km madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo Indhasheel oo ay ciidammo ka tirsan kuwa Puntland iyo kuwo taageersan Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ay saakay ka eryeen magaalada.

Ma jirto wax waan-waan ah oo la doonayo in xiisaddan lagu xalliyo, mana jiraan wax hadal ah oo ka oo yeeray dhinacyada isku haya colaadda haatan ka taagan degmada Taleex.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool `