4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 28, 2013
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyay Miisaaniyadda Sannadka soo socda ee 2014-ka

Khamiis, November 28, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa uuna shir-guddoominayay, ra’iisul wasaaraha xukuumadda, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa lagu ansixiyay miisaaniyadda sannadka soo socda ee 2014-ka.

Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel-mariyay miisaaniyadda sannada 2014-ka oo gaaraysa 220-Milyan oo doollar, waxaana miisaaniyadda sannadkaan lagu kordhiyay qoondo loo sameeyay hay’adaha kala ah: xadeynta badda, maaraynta musiibooyinka Qaranka, Jaamacadda Ummadda, guddiga qaxootiga Qaranka, guddi xuquuqul insaanka iyo maxkamada dastuuriga ah oo loogu kordhiyay lacag gaaraysa 1.5 malyan doollar.

Intaas kaddib, waxaa kulanka ka hadlay wasiirka gashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ka warbixiyey guulihii ciidamada dowladdu ay gaareen maalmihii lasoo dhaafay; isagoo sheegay inay Al-shabaab kala wareegeen tuulada Buq-koosaar oo magaalada Baladweyne u jira qiyaastii 50-km, waana meelihii ay kasoo qaadi jireen Al-shabaab weerarrada soo abaabuleen oo dhuumaaleysi ah iyo qarxyada ismiidaamin, isagoo xusay in ay firxadkooda gaareen Degmada Buula-barde kaddib markii ay ku jabeen tuulada Buq-koosaar.

Sidoo kale, golaha ayaa 100% isku raacay soo jeedinta wasiirka maaliyadda oo ahayd in si KMG loogu magaacaabo guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Bashiir Ciise Cali oo ah aqoonyahan Soomaaliyeedoo khibrad dheeraad ah u leh arrimaha maaliyadda kuna soo dhex-jiry 50-kii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay Bangiyadii dalka intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay, Bashiir Ciise inuu yahay shaqsiga ugu mudan oo qaban lahaa shaqada Bangiga, kana rajaynayo inuu wax weyn ka badali doono habka uu u shaqeeyo Bangiga. Isagoo xusay inuu yahay nin khabiir ku ah arrimaha dhaqaalaha, muddo aad u faro badan ka soo shaqaynayay Bangiyadii Soomaaliya.

Ugu dambeyn, goluhu ayaa sheegay in wax-qabadka xukuumadda ee sannadkii lasoo dhaafay uu ahaa mid aad u sarreeyay, wuxuuna goluhu soo bandhigi doonaa faah-faahinta arrintaan la xariirta. Goluhu wuxuu gudoonka baarlamaanka ka codsanayaa inay siiyaan fursad ku filan oo ay kusoo ban-dhigaan waxqabadka sannadkii tagay, waxayna ku kalsoon yihiin inay ku qancin doonan baarlamaanka wax-qabadkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya