4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 28, 2013
Xulka Kubadda Cagta Somalia oo Galabta laga badiyay kaddib ciyaar adag oo ay la Ciyaariyeen Xulka Dalka Burundi (SAWIRRO)


Khamiis, November 28, 2013 (HOL) — Xulalka kubadda cagta Soomaaliya iyo Burundi ayaa ku kulmay maanta ciyaar ka tirsanayd koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika, waxaana Soomaaliya ay Guruubka B kula jirtaa dalalka Tansaaniya, Burundi iyo Zambia.

Ciyaaryahannada Soomaaliya ayaa ku billaabay ciyaarta si dhiiranaan leh, iyadoo ay jireen dhowr fursadood oo ay lumiyeen intii ay socotay qaybtii hore ee ciyaarta, waxaana labada dhinac ay soo bandhigeen ciyaar wanaag ay ku dheehan tahay xirfad aad u sarreysa.

Dhammaadkii qaybtii hore ayaa qalad ka yimid daafaca Soomaaliya waxay keentay in Burundi ay hesho goolkeedii koowaad daqiiqadii 41-aad, waxaana u saxiixay weeryahankooda Christophe Nduwarugira, iyadoo intaa kaddib ay iska koobanaayeen fursadihii ay xulka Soomaaliya helayeen waqtiga oo gaba-gaba ku dhowaa awgeed.

Waxaa lagu kala nastay 1-0 oo xulka Burundi ay ciyaarta ku hogaaminayeen waxaana wariyayaashii goobta joogay ay indhaha ku hayeen badalka uu ku sameeyay ciyaartoyda Soomaaliya tababare, Maxamed Cabdulle Fara-yare si ciyaarta ay u noqoto mid dheelli-tiran.

Markii la isugu soo laabtay qaybtii dambe ee ciyaarta Soomaaliya waxxay la soo baxday waji ka duwan kii hore, iyagoo abuuray fursado badan oo ay ku dhalin kareen goolal dhowr ah, balse daafaca Burundi ayaa kalsooni badan muujiyay, isla markaana beeniyay weerarkii ka imaanayay dhinaca xulka Soomaaliya.

Goolkii labaad oo xulka Burundi ay helaan ayaa ku yimid qaab weerar celis ah, waxaana kubad uu iska soo saaray daafaca Burundi ay keentay in lagu soo weeraro Soomaaliya, taasoo markii dambe Burundi u suuro-gelisay inay helaan goolkii labaad, waxaana u saxiixay weeraryahankooda Fiston Abul-Rizak oo lambarka toddobaad qaata.

Macallinka xulka Qaranka Soomaaliya ayaa intaa kaddib sameeyay badal cusub, isagoo laba ciyaaryahan oo aan wax badan kala damben ciyaarta soo galiyay, kuwaasoo kala ahaa Sidii Maxamed Cumar iyo Cabdi Xaayow.

Fursadihii ugu muhiimsanaa ee xulka Somalia ay helaan waxay yimaadeen dhammaadkii qaybtii dambe ee ciyaarta; markaasoo garoonka Machakos uu roob xoogan ka billowday, waxaana la arki karayay taageerayaal badan oo Soomaali ah oo ku labisnaa calanka Qaranka Soomaaliya.




Faysal Mohamed Hassan
[email protected]