4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 28, 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan oo soo Ban-dhigay Raashin ay ku soo Qabteen Howlgal laga Sameeyay Saldhigyada Al-shabaab (SAWIRRO)


Khamiis, November 28, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada ayaa goor dhaw oo maanta ah ku soo bandhigay saldhiga booliiska magaalada Beledweyne raashin sida ay sheegeen saraakiisha lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay saldhigyo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanno ka tirsan gobolka.

Ciidamada maamulka gobolka oo gacan militari ka hellaya kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa sadexdii cisho ee la soo dhaafay waxaa ay howlgalo ka dhan Al-shabaab ka sameeyeen deegaanno dhinac galbeedka kaga beegan magaalada Beledweyne.

Raashinka lagu soo bandhigay saldhiga booliiska Beledweyne oo isugu jiray Bariis, Sokor, Saliid iyo Baasto, ayeey sheegeen saraakiisha maamulka in lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay deegaannada  Ceel –cali yo Boq-goosaar, islamarkaana si  khasab ah looga qaaday qoysaskii lahaa, hasse ahaatee ay dib u soo celiyeen ciidamada maamulka iyo kuwa Jabuuti.

Taliyaha ciidamada militariga maamulka gobolka Col Towane Axmed Gurey oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in raashinkan ay soo bandhigeen dib loogu celin doono qoysaskii markii hore laga qaaday.

“Aadan ayaa ugu amaanayaa ciidamada howlgalka ay sameeyeen, waa howlgal ka tarjumaya sidii shacabka looga baadbaadin lahaa kooxahan doonaya in ay hantidooda naftooda iyo hantidooda baneystaan, waadna arkeysaan raashinka hortiina yaala oo si khasab ah looga qaaday qoysas Soomaaliyeed,’’ ayuu yiri Col Towane.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo goobta ka hadllay ayaa sheegay in durbaba la gaaray ujeedadii howlgalka laga lahaa oo aheyd laga hortago dhibaatada ay shacabka ku hayaan sida uu hadalka u dhigay kooxda Al-shabaab, isaga oo intaa ku darray in sidoo kale dib loogu celiyay qoysaskii lahaa xoolo ka badan 600 oo neef oo ay ka qaadeen Al-shabaab.

“Mudadii uu howlgalka socday wax iska caabin ah oo micno leh lama aysan kulmin ciidamada, taas waxa ay kuu muujineysaa sida ay kooxdan u jabtay, waxaana muuqata in hadda la gaaray ujeedooyinkii laga lahaa howlgalka, mar haddii qoysaska Soomaaliyeed dib loogu soo celiyay hantidii iyo xoolihii ay ka qaadeen Al-shabaab,’’ ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanyo.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale yiri’’ Waa waajib ciidamada saaran in ay ilaaliyaan hantida shacabka kana hortagaan cid kasta oo isku deyda in ay ku qaadato sifo aan sharci aheyn, howlgalkuna waa mid sii socon doona ilaa awood maamulka lagu baahiyo guud ahaan gobolka.’’

Nabaddoon Cabdi Sheekh Faarax oo wakiil ka ahaa sida la sheegay qoysaskii lahaa raashinka ayaa uga mahad celiyay ciidamada maamulka gobolka iyo kuwa Jabuuti dib u soo celinta hantida oo sida uu sheegay dadkii lahaa siweyn ugu baahnaayeen.

Dagaal culus oo maalintii shalay ku dhaxmaray ciidamada isbaheysanaya iyo xoogagga Al-shabaab deegaan hoostaga tuulada Luuq-Jeeloow, ayeey sheegeen saraakiisha ciidamada maamulka in ay ku dilleen in ka badan 10 ka tirsan xoogagga Al-shabaab, sidoo kalana ku soo qabteen maxaabiis xiligan ku xirrin saldhiga booliiska Beledweyne.

Howlgalkan ciidamada ishabeysanaya ka sameeyeen saldhigyada Al-shabaab ee gobolka Hiiraan ayaa ka danbeeyay weerar labo weerar ismiidaamin ah oo bil gudaheed Al-shabaab ka fuliyeen gudaha magaalada Beledweyne, kuwaa oo galaaftay nolasha dad ka badan 50 ruux.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya