4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 28, 2013
Faahfaahin ku Saabsan Dab Maanta ka kacay Garaash lagu iibiyo Gaadiidka oo ku yaalla Isogyska KM-4 (SAWIRRO)


Khamiis, November 28, 2013 (HOL) — Dab xoog leh ayaa maanta ka kacay garaash weyn oo lagu iibiyo gaadiidka ganacsiga loo keeno dalka iyo shidaal, waxaana dabkaas uu bur-buriyay dhismayaal fara badan oo halkaas ku yaallay.

Dabkan oo aan illaa iyo hadda aan la ogeyn wuxuu ka dhashay ayaa wuxuu gubay boqolaal gaadiid ah oo ganacsi ahaan dhawaan looga keenay dalka dibaddiisa, iyadoo sidoo kalena ay ku gubteen fuustooyin shidaal uu ku jiray iyo dhismayaal.

“Lama oga wuxuu dabkan ka dhashay, balse khasaare xoog leh ayuu geystay, dhowr qof ayaa ku dhaawacmay, runtiina tani waa musiibo xoog leh,” ayuu yiri ganacsade lahaa dukaan garaashka ku dhagganaa oo dabku uu gubay.

Ganacsadaha ayaa sheegay in dukaammada intooda badan laga saaray wixii alaab ah ee ku jiray, isagoo intaas ku daray in dukaamada oo dhan lagu iibin jiray qalabka dayactirka baabuurta (Spare Parts).

Halka uu dabku ka kacay oo aan gaarnay innagoo koox ah oo ka soconnay shabakadda Hiiraan Online ayaa waxaan ku aragnay gaadiid fara badan oo gubtay, fuustooyin shidaal uu ku jiray oo qarxay iyo dukaammo uu burbur xooggan kasoo gaaray dabka.

Dhismayaasha gubtay ayaa waxaa ka mid ahaa Maqaayad weyn oo cuntada laga cuno taasoo lagu magacaabo Fatxi, waxaana goobta ku sugnaa markii aan booqanaynay gaadiidka dambka damiya oo ay kala lahaayeen AMISOM, maamulka gobolka Banaadir iyo kuwo ay lahaayeen hay’adaha Turkiga ee dalka ku sugan.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca ammaanka, Warsame Maxamed Xasan (Joodax) oo goobta soo gaaray ayaa sheegay in dabkan uu khasaare ba’an geystay, wuxuuna ganacsatadii hantida lahaa Alle uga bar-yay inuu bedel khayr qaba siiyo.

Gaadiidka gargaarka deg-degga ah ee loo yaqaan Ambulance-yada ayaa ku sugnaa goobta, kuwaasoo qaadayay dhaawacyada dadkii waxyeelladu ay ka soo gaartay dabkaas, kuwaasoo u badnaa ganacsato isku dayayay inay ka badbaadsadaan dabka alaabahooda.

Inkastoo ugu dambeyn lagu guuleystay in dabka la damiyo ayaa wuxuu si ba’an ku waxyeelleeyay dhul ballaran oo ay ku yaalleen garaasha, dhowr dukaan iyo maqaahida.

Dhismayaashan gubtay ayaa waxay ku yaalleen beertii lagu nasan jiray ee isgoyska KM-4, halkaasoo markii uu dalku burburku galay la iska dhistay; iyadoo dabkan uu noqonayo kii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaanahan ka dhaca magaalada Muqdisho.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya