4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 28, 2013
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Horkacaya Wafdi isugu jira Saraakiil Ciidan iyo Xildhibaanno hore oo ku sii jeeda Taleex

Khamiis, November 28, 2013 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa maanta ka ambabaxay wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdisamad Cali Shire, iyadoo wafdiga ay ku sii jeedaan degmada Taleex ee gobolka Sool.

Wafdiga madaxweyne ku-xigeenka waxaa qayb ka ah saraakiil ciidan iyo xildhibaanno kasoo jeeda deegaanka iyo waliba ciidammo aad u tiro badan oo aad u hubeysan, lamana xaqiijin wali ujeeddada keentay in wafdiga intaa le’eg ay mar kale u ambabaxaan Taleex.

Illo wareedyo ka agdhow wafdiga ayaa waxay xaqiijiyeen in gaadiid dagaal iyo ciidammo tiro badan ay madaxwayne ku-xigeenka Puntland ka raaceen madaxtooyada Puntland. Xiriirro kala geddisan oo an la sameynay waftiga Puntland ka socda ee ku jiheystay degmada Taleex ayaan inoo surogeli weyday.

Dhinaca kale, wararka naga soo gaaray Taleex ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo abaabul loogu jiro in shir laga furo, waxaana shirkaas qaban-qaabadiisa wadda odayaasha deegaanka, inkastoo la sheegay in shirkaas uu xilligan kasoo horjeedo madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Jen. C/samad Cali Shire.

Safarkan wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhawaan uu dib ugu soo laabtay Jen. Cabdisamad Cali Shire degmada Taleex, waxaana jirto isku dhacyo dagaal oo ka jira deegaanno ka tirsan gobolka Sool.

Hiiraan Online, Gaalkacyo