4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 28, 2013
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh oo Taliye Cusub u Magacaabay Ciidamada Badda Soomaaliya

Khamiis, November 28, 2013 (HOL) — Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha  Soomaaliya Hassan Sheekh Maxamuud  ayaa lagu magacaabay taliye cusub oo hogaamin doona ciidamada badda Soomaaliya  kaasi oo lagu magacaabo General Ufurow.

Waxaa wareegtadan xilka looga qaaday taliyihii hore ciidamada badda Soomaaliya (National Navy Commender) Admiral Faarax Qarre oo muddo sanado ah xilkaasi soo hayay ,kaasi oo soo dhaweeyay taliyaha cusub ee la soo magacaabay.

Sidoo kale xil ka qaadistan ayaa lagu sheegay in ay qayb-ka tahay dar-dar galinta shaqada dowaladda oo hadda hal sano shaqaynaysa, iyadoo si gaar ah loogu mahad-celiyay Faarax Qare ,kaasi oo lagu amaanay waxyaabihii uu qabtay mudadii uu hogaaminayay ciidamada Badda.

“In badan ayaan soo dhaweeyay isbadalka dhacay ,waana wax caadi ah in dowladda ay samaysay isbadal cusub”ayuu yiri Faarax Qarre oo la hadlayay Idaacadda Dalsan ,waxaana uu xusay in uu caawin doono masuulka cusub.

Admiral Faarax Qare ayaa xilkan loo magacaabay 2009,waaana taliyihi ugu horeeyay oo xilkaas qabta tan iyo intii ay dhacday dowladdi dhexe ee Soomaaliya, waxaana uu ka digay qataraha ka jira badaha Soomaliya oo ay ugu soo horeeyaan burcad badeedda.

Ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa awood u yeelan waayay in ay ka hortagaan qataraha sunta lagu aaso xeebaha dalka  iyo weerarada burcad badeedda oo xiligan maraakiib badan ku haysta qaybo kamid ah xeebta Garacad  ee Puntland.

Ugu danbayntii ciidamada badda Soomaaliya ayaa la tacaalaya dhibaatoyin ay kamid tahay in aysan si joogta ah u  helin mushaaraadkooda,waxaana taliyaha cusub ee xilkan lo soo magacaabay laga sugayaa hormar uu ku sameeyo shaqada loo dhiibay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]