4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 28, 2013
Tahriibayaal Soomaaliyeed oo lagu Xiray Dalka Suudaan kaddib markii ay si sharci-darro ah ay ku gaareen Dekedda Dalkaas

Khamiis, November 28, 2013 (HOL) — Tahriibayaal Soomaliyeed oo 24 qof ayaa lagu xiray dalka Suudaan, kaddib markii si sharci-darro ah doonni ku geysay dekedda dalkaas ee Port Sudan.

Wariye ku sugan dalka Suudaan oo lagu magacaabo, Xuseen Nuur Xaaji ayaa sheegay in tahriibayaashan ay ka yimaadeen dalka Yemen ayna ku socdeen dalka Liibiya si ay ugu gudbaan dalalka Yurub.  

Qoxootigan tahriibayaasha ah ayaa sagaal ka mid ah waxaa la sheegay inay yihiin dumar inta kalena ay ahaayeen rag, waxaana la sheegay in hadda ay ku xiran yihiin xabsi ku yaalla dalka Suudaan.

Tahriibayaal badan oo isugu jira Soomaali, Itoobiyaan iyo Eriteriyaan ayaa dalka Suudaan u sii mara sidii ay ku gaari lahaayeen dalka Liibiya, balse waa markii ugu horreysay oo qoxooti tahiib-doon ah ay doonni ku tagaan Sudan.

Dekedda Port Sudan ayaa waxay ku taallaa dhinaca waqooyi ee dalka Sudan waxayna caasimadda dalkaas ee Khartuum u jirtaa 675-km. iyadoo aysan ka hadlin weli mas’uuliyiinta dalkaas tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ay xireen.

Soomaalida qoxootiga ku ah dalka Yemen ayaa waxay xilliyadii dambe aad uga cabanayeen dhibaatooyin dhinaca nolosha ah oo soo food-saartay, waana markii ugu horreysay oo qoxooti Soomaaliyeed oo Yemen ku nool ay isku dayaan inay tahriib ku tagaan dalka Liibiya.

Dalka Liibiya oo ku yaalla Waqooyiga Afrika ayaa waxaa sannad walba uga tallaaba dhinaca Yurub kumannaan qof oo Afrikaan ah, kuwaasoo qaarkood ku dhinta inta aysan gaarin Yurub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya