4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 28, 2013
Xukuumadda Uganda oo taliye ku xigeen cusub u soo Magacowday Ciidanka AMISOM ee Howlgalka u jooga Soomaaliya


Khamiis, November 28, 2013 (HOL) — Xukuumadda Uganda ayaa taliye ku xigeen cusub u soo magacowday howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasoo soo gaaray Muqdisho maqribnimadii salaasadii aynu soo dhaafnay.

Jen. Geoffrey Baraba Maheesi oo loo magacaabay taliye ku xigeenka cusub ee AMISOM ayaa sheegay inuu la dagaalami doono musuqmaasuqa, isagoo xusay in askarigii uu ku arko wax-is-daba-marin uu sharciga la tiigsan doono.

Magacaabista taliye ku xigeenkan ka socda dalka Uganda ayaa imaanaysa xilli 24 askarta Uganda ee qaybta ka ahaa AMISOM lagu sameeyo shaqo ka fariisin, kaddib markii lagu eedeeyay inay qaab suuq-madow ah u iibsadeen cunno iyo shidaal loogu talo-galay ciidamada AMISOM.

Xubnahaas la eedeeyay ayaa waxaa ka mid ah taliyaha ciidamada Uganda ee Somalia ku sugan, Col. Michael Ondoga iyadoo askartaas iyo taliyahaba dib loogu celiyo dalka Uganda, halkaasoo ay baaris kaga socoto.

“Waxaan si adag ugu dagaalami doonaa sidii aan u soo celin lahaa sharaftii iyo sumcaddii ciidamada difaaca shacabka Uganda ee Soomaaliya ku sugan. Khalad waa dhici karaa balse waxaan isku dayi doonaa inaan saxo,” ayuu yiri taliye ku xigeenka cusub.

Uganda ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo dowladda Somalia ka taageera dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab.

“Waan ogahay howsha i hortaalla inaysan ahayn mid fudud, laakiin waxaan la imid maskax furan, xiriirna lama yeelanayo khaladyada dhacay. Waxaana ka tegi doonaan Soomaaliya anigoo sharaf leh,” ayuu mar kale yiri Jen. Maheesi.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa hoggaamiya jeneraal u dhashay dalka Uganda oo lagu magacaabo Andrew Gutti, iyadoo taliyahan cusub uu u noqonayo ku xigeenkiisa, waana markii ugu horreysay oo laba sarkaal oo u dhashay Uganda ay taliye iyo teliye ku xigeen u noqdaan AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya