4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2013
Ciidamada AMISOM oo la Wareegay Ammaanka Xarunta ADC-da Baydhabo oo uu ka socdo Shir lagu dhisayo Maamul Goboleed


Arbaco, November 27, 2013 (HOL) — Ciidamada AMISOM ee jooga degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa la wareegay ammaanka xarunta uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobollo ku yaalla Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya.

Xarunta uu shirku ka socdo ee ADC-da Baydhabo oo horay u ahayd xaruntii baarlamaankii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayay marxuum Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa hadda ku sugan ciidammo ka tirsan AMISOM oo ammaankiisa sugaya.

“Tallaabada ay ciidanka AMISOM kula wareegeen xarunta uu shirka maamul maamul u sameynta Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya ay la wareegeen ayaa timid kaddib kulan ay dhawaan Baydhabo ku yeesheen ergooyinka shirka ka qaybgalaya iyo wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Maxamed Saalax Al-Nadiif ,” sidaa waxaa warbaahinta u sheegay Malaaq Cali C/raxmaan Shiino oo ka mid ah xubnaha hoggaanka u haya shirkan.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada Baydhabo ay ku qulqulayaan qaar ka mid ah ergooyinka ka qaybgalay shirka, kuwaasoo ka tagay qaybo ka mid ah dalka iyo kuwo ka yimid dalka dibaddiisa.

Sidoo kale, Cali Shiino ayaa sheegay in wajiga koowaad ee shirka dhawaan la soo gaba-gabeyn doono, isla markaana la gudo-geli doono qaybtii labaad ee shirka oo lagu dhisayo maamul ay yeelanayaan gobollo lix ah oo ku yaalla Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya.

Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Somalia ayaa toddobaad ka hor magaalada Baydhabo ku tahay booqasho hal maalin ah, isagoo booqday xarunta uu shirku ka socdo halkaasoo uu kulammo kala duwan kula qaatay ergooyinka shirka ka qayb-galaya, inkastoo waxyaabihii shirkaas looga hadlay aan lawada shaacin.

Waa markii ugu horreysay oo ciidamada ka socda AMISOM ay la wareegaan xarun uu shir uga socdo ergooyin Soomaaliyeed, iyadoo goobta uu shirkan ka socdo uu horay u booqday guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayay.

Dhanka kale, waxaa lagu wadaa in toddobaadka soo socda uu gaaro magaalada Baydhabo, xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la sheegay inuu doonayo inuu Baydhabo ka furo shir bar-bar socda shirka hadda ka socda oo lagu dhisayo maamul-goboleed ay yeeshaan saddex ka mid ah gobollada ku yaalla Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Baydhabo ayaa ka socda dalalka Uganda iyo Burundi oo qaybta hore kaga jira howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya oo hoos-taga ururka Midowga Afrika. Iyadoo taliska AMISOM uusan weli ka hadlin arrintan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya