4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2013
Jaamacadda Hormuud oo Maanta Muqdisho ku soo Gaba-gabeysay kulanka Toddobaadka dhaqanka Jaamacadda (SAWIRRO)


Arbaco, November 27, 2013 (HOL) — Waxaa maanta xarunta Jaamacadda Hormuud ee magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyey bandhig-dhaqameed socday muddo todobaad ah kaasoo ay ka qaybgaleen ardayda wax ka barta kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda.

Maamulka jaamacadda oo ugu horreyn ka hadalay xafladda ayaa sheegay in xafladda lagu soo bandhigay sida ay ardayda wax u baraan, iyadoo xafladda lagu soo bandhigay laababka kulliyadaha Injineeriyadda ee jaamacadda Hormuud.

Maamulaha guud ee shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, Maxamed Aadan Faarax oo ka hadlay xiritaankii xafladda ayaa dhiirri-gelin u sameeyay ardayda, wuxuuna maamulka jaamacadda ku amaanay maamul wanaagga ay muujiyeen iyo horumarka ay gaarsiinyeen jaamacadda intii ay furnayd.

Intii uu socday bandhiggan ayaa lagu soo bandhigay tijaabo cilmiyeed ahayd habka tamarta qorraxda looga faa’iideysan karo, waraabka beeraha (Solar System) iyo sidii laba fure oo isku mid ah mar qura looga damin karo sidoo kalena looga daari karo korontada.

Sidoo kale, waxaa lasoo bandhigay cilmi-baaris lagu sameeyey boqollaal nooc oo qamadi ah, kuwaasoo lagu tijaabiyay ciidda Soomaaliya iyadoo la ogaaday in saddex ka mid ah ay ku habboon yihiin inay cimilada Soomaaliya ku bixi karaan.

Guddoomiyaha jamaacadda Hormuud, Pro. Jeylaani Cabdullaahi Cismaan oo ka hadlay gabagabadii bandhiggan toddobaadka socday ayaa xafladdaas ka sheegay in weli ay socdaan tijaabooyinka la sameynayo. Isagoo xusay inay howshan ay iska kaashanayaan jaamacadda Hormuud iyo hay’adaha ICARDA iyo SIMIT.

Jaamacadda Hormuud oo la aasaasay bishii Maarso ee sannadkii 2010 ayaa ah jaamacadii ugu horreysay ee lagu barto culuunta kala duwan ee la xiriirta Injineeriyadda.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya