4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2013
FOWZIYO: "Caalamku waa u diyaar inuu Soomaaliya caawiyo innaguna waa inaan ka faa'iideysanaa kaalmadaas” (SAWIRRO)


Arbaco, November 27, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maalmahan ku sugnayd Brussels oo ay uga qaybalaysay shir horumarinta caalamka ayaa sheegtay inuu caalamku uu diyaar u yahay inuu Soomaaliya ka caawiyo dhinacyada horumarinta iyo dib u dhiska dalka, balse ay tahay inaan innagu u diyaar-garowno sidii aan kaalmooyinkaas uga faa’iideysan lahayn.

Wasiiradda ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeelatay wasiirrada dalalka Yurub oo ay ka mid yihiin; wasiirka horumarinta caalamiga iyo ganacsiga ee dalka Ireland, Joe Costello, wasiirka horumarinta caalamiga ee Finland, Mr. Pekka Haavisto, ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Jan Eliasson, agaasimaha guud ee Midowga Yurub u qaabilsan Afrika, Nick Westcott iyo mas'uuliyiin kale, iyadoo dhammaantood kala hadashay sidii Soomaaliya ay u gacan-siin lahaayeen.

Sidoo kale, wasiiraddu waxay u sharraxday mas’uuliyiintaas sida dowladda Soomaaliya ay u diyaarisay qorsheyaashii iyo barnaamijyadii dalka laga fulin lahaa, sida mashaariic shaqo u abuuraya dhallinyarada iyo dumarka. Iyadoo ka codsatay in ballan-qaadyadii ay caalamka sameeyeen lasoo dedejiyo si dalka loogu soo dabaalo nabad iyo horumar.

"Caalamku waa u diyaar inay Soomaaliya caawiyaan. Laakiise innaga ayaa nalaga doonayaa inaan u diyaar-garowno sidii aan uga faa’iideysan lahayn kaalmooyinka caalamku na siinayo,” ayay wasiiraddu ku sheegay hadal ay warbaahinta ku siisay xarunta dalka Belgium ee Brussels.

Ugu dambeyn, wasiiraddu waxay u mahadcelisay Midowga Yurub oo door hoggaamineed ka qaatay arrimaha Soomaaliya, balse waxay sheegtay inay muhiim tahay in caalamku soo dedejiyo kaalmadii ku wajahan dib u dhiska dalka iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya laga hirgelinayo si ay dhallinyarada Soomaaliyeed u helaan shaqooyin.

Shirkii horumarinta caalamka oo ay wasiiraddu ka qaybgashay ayaa maanta lasoo gabgabeeyay, iyadoo Fowziyo Yuusuf ay ka jeedisay shirkaas oo laba maalmood socday khudbad ay ku sharraxayso sida ay Soomaaliya ugu tahay diyaarka in caalamka ay ka hesho gacan-qabasho buuxda oo dalka dib loogu dhisayo.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya