4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2013
Ciidammo Booliis ah oo dib ugu soo laabtay Beledweyne kaddib Tababar ay ku soo Qaateen Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, November 27, 2013 (HOL) — Waxaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ciidamo ka tirsan maamulka gobolka oo tababar soconayay mudo ku dhaw labo bilood ku soo dhameystay magaalada Muqdisho.

Ciidamada waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta heer gobol iyo degmo ee maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada booliiska iyo asluubta oo ay is gacan qaadeen ciidamada tababarka soo dhameystay.

Taliyaha saldhiga booliiska magaalada Beledweyne G/dhexe Cali Cabdi Mahad Alle oo safarka ku wehlinayay ciidamada tababar u soo xirmay ayaa sheegay in mudadii uu tababarku socday la soo baray ciidamada farsamooyin la xiriira, sida danbiyada looga hortago iyo sida dab-galka loogu sameeyo marka ay dhacaan kadib, isaga oo intaa raaciyay in sidoo kale ay soo barteen sharciyada  ciidamada booliiska.

“Tababar  dheeraad  ah ayaa la siiyay ciidamadan, maadaama ay horay tababar ugu qaateen magaalada Beledweyne, waa ciidamo dhameystiran oo awood u leh in ay ka shaqeeyaan howlaha nabad-sugida iyo waliba ka hortaga fal-danbiyeedyada,’’ ayuu yiri taliyaha qeybta booliiska saldhiga magaalada Beledweyne.

Waxaa uu sheegay in tirada guud ee ciidamada tababarka loo soo xiray gaarayaan 60 askari oo ay ka mid yihiin saraakiil, isaga oo intaa raaciyay in wax weyn ay ka badali doonaan nabad-galyada magaalada Beledweyne.

“Waad og-tihiin dhawaan weerarkii ka dhacay saldhiga booliiska oo ay soo qaadeen Al-shabaab, sidaa daraadeed si gaar ah ayeey ciidamadan isha gu heyn doonaan dhaq-dhaqaaqyada la xiriira wax kasta oo khatar keeni kara, waadna ka arki doontaan dhawaan marka ay shaqo-gallaan,’’ ayuu yiri taliyaha saldhiga booliiska.

Sidoo kale, waxaa safarka ku wehlinayay ciidamada saraakiil isugu jirtay tababarayaal iyo waliba khubaro u kuur-galiyay dib habeyn lagu sameeyo saldhiga booliiska, iyaga oo ku soo wareegay qeybaha uu saldhiga ka kooban yahay, madaama intiisa badan uu bur bur xoog leh ka muuqdo.

Taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jen C/xakiin Daahir Saciid Saacid oo ka mid ahaa wafdi uu hogaaminayay wasiirrka arrimaha gudaha oo dhawaan gaaray magaalada Beledweyne, ayaa sheegay in qorshahoodu yahay tayeeynta ciidamada booliiska ka howlgala magaalada Beledweyne.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya