4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2013
Shil sababay dhaawcyada dhowr qof oo ay sababeen Nalalka Samaafaraha ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Arbaco, November 27, 2013 (HOL) — Afar qof ayaa ku dhaawacmay kaddib markii u shil ka dhacay isgoyska madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho. Shilkan ayaa dhacay kaddib markii ay nalalka kala haga gaadiidka ee Samaafaraha loo yaqaan ay bixiyaan amarro khaldan.

Nalalkan oo dhawaan la suray isgoyska madaxtooyada kaddib muddo 20-sanno ah, kuwaas oo tijaabo ahaa looguna talogalay in dib loogu soo celiyo nalalkii gaadiidka kala hagi jiray.

“Samaafaraha ayaa khalad ku yimid, waxaana laba nal oo ka mid ah si lama filaan ah u fasaxeen gaadiid ku kala sugnaa isgoyska madaxtooyada, waxaana isku dhacay gaadiid, taasoo ay ku dhaawacmeen afar qof,” ayuu yiri mid ka mid ah ciidamada tafaarikada oo la hadlay HOL.

Shilkan ayaa dhacay saakay, waxaana shilkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo Muqdisho ka dhaca, iyadoo tani ay aad uga yaabisay dadweyne badan oo halkaas ku sugnaa.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhawaan ka hirgeliyay halkaas nalalka loo yaqaan Samaafaraha oo loogu talogalay in wadayaasha gaadiidka isku dhaafa is-goysyada ay amarrada ka qaataan.

Nalalka Samaafaraha ah ayaa waxaa ku deeqday dowladda Shiinaha, iyadoo maamulka gobolka uu sheegay inay tani qayb ka  tahay qorshayaasha lagu soo celinayo bilicdii Muqdisho ay lahayd muddo 22-sano ka hor ah, laakiinse shilkan ayaa dhacay maanta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya