4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo Dingiin kama Dambeys ah u diray Xildhibaannada ka Maqan Fadhiyada Baarlamaanka


Arbaco, November 27, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa digniintii ugu dambeysay u diray xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay in xildhibaankii ay kulammada soo xaadirin ay u arkayaan mid ka dhuumanaya shaqadiisa.

Prof. Jawaari ayaa hadalkiisan kusoo beegay xilli baarlamaanka uu horyaallo mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo la filayo in ra’iisul waasaruhu uu hortago baarlamaanka si uu kalsoonida u weydiisto.

“Arrimaha aan rabo inaan ka digo waxaa weeye, maalmahan warar huu-haa ah ayaa i soo gaaraya, waxaana lagu jiraa xaalad adag, marka xildhibaankii ka maqnaada kulammada baalamaanka ama dibad ha jiro ama gurigiisa ha joogee, waxaan u arkaynaa xildhibaan ka dhuumanaya shaqadiisa,” ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in cid ka maqnaan karta fadhiyada baarlamaanka aysan jirin, waxaana maqlay inay jiraan xildhibaanno doonaya inay dalka ka baxaan, kuwaasna waxaan u sheegayaa inaysan bixi karin, kuwa dibadda ku maqanna ay dalka soo galaan.

“Xildhibaannadu waa inay gutaan howshii ay u dhaarteen, gurigeyga ayaan seexayaan si aan kooramka u baabi’iyo, sheekadaas ma jirto, waxaana ku boorrinaynaa xildhibaannada inay soo xaadiraan kulammada baarlamaanka,” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha baalamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in caalamka oo dhan uu eegayo baarlamaanka Soomaaliya, maadama xaalad adag adag dalka uu ku jiro, imtixaan badanna uu taagan yahay.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaailya ayaa sheegay inay maanta u yeerayaan wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka si uu u jeediyo warbixin ku saabsan hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka.

Ma ahan markii ugu horreysay oo guddoomiyaha baarlamaanka uu digniin u jeediyo xildhibaannada baalamaanka ee dalka dibaddiisa ku maqan, kuwaas oo aan qaarkood weligood ka qaybgalin kulammada baarlamaanka, balse ma jirto wax kasoo naaso-caddaaday digniinahaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya