4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2013
Wasiirka Warfaafinta oo Kormeeray Dhismihii Madbacadda Qaranka, isagoo sheegay in dib loo Howlgelinayo (SAWIRRO)


Arbaco, November 27, 2013 (HOL) — Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa kormeer ku tagay madbacaddii Qaranka oo ku taalla degmada Shingaani ee gobolka Banaadir, taasoo ay hadda deggen yihiin dad shacab ah, waxaana ujeeddada socdaalka ay ahayd in la dar-dargeliyo dib u soo nooleynta Madbacada Qaranka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxaa ku weheliyay kormeerkiisa agaasimaha wasaaradda warfaafinta, qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda iyo maareeyaha Madbacada Qaranka, waxayna soo indha-indheeyeen dhamaan dhismaha ay ka kooban tahay xarunta madbacadda.

Ugu horreyn, maareeyaha Madbacada, Maxamuud Maxamed Juun ayaa ka bixiyay sharraxaad howlihi ay bulshada u qaban jirtay madbacada, isagoo tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay sidii dib loo howlgelin lahaa Mad-bacadii Qaranka.

Wasiirka warfaafinta, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa ka hadlay kormeerka shaqo ee uu maanta ku tagay Madbacaddii Qaranka, wuxuuna sheegay inuu qayb ka yahay komeerkiisa dadaal uu ugu jiro dib u soo nooleynta Mad-bacaddii Qaranka Soomaaliyeed oo ay u shaqeyn jireen dad gaaraya 2000 oo ruux.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

“Waxaan soo kormeernay Madbacadii Qaranka oo ka mid ah hay’adaha hoos yimaada wasaaradda warfaafinta, waxaana qorsheyneynaa inaan dib u howl-gelinno. Dawlado badan ayaan heshiis la galnay oo ku saabsan in dowladda laga caawiyo sidii Madbacadda Qaranka ay dib ugu howlgeli lahayd; taasoo ah adeeg muhiim ah oo dowladda iyo dalku u baahan yahay,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay dib u soo celiso wasaarada naadigii Madbacadda Qaranka ee ka dhisnaan jiray dalka bur-burkii ka hor. Wasiirka ayaa xusay inuu shakhsiyan taageere u ahaa naadigii Madbacadda Qaranka.

“Waxaad ka warqabtaan inaan kal hore howl-gelinnay naadigii Oktoobar ee gaadiidka, haddana qorshaheennu wuxuu yahay inaan mar kale dib u soo celino naadigii Madbacadda Qaranka. Madbacadda Qaranku waxay haysay shaqo muhiim ah oo dowladeed, la’aanteedna wax badan ayaa naga dhiman sidaas darteed waxaan hadda soo gaarnay wajigii aan madbacadda dib ugu hawlgalin lahayn,” ayuu mar kale yiri wasiirka warfaafinta.

Kormeerkan shaqo oo uu maanta wasiirku ku tagay Madbacaddii Qaranka iyo xarunta gaadiidka ee wasaaradda warfaafinta ayaa qayb ka ah dadaal uu wasiirku ku doonayo dib u howl-galinta adeegyadii ay wasaaraddu u haysay bulshada Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya