4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2013
Munaasabad lagu soo Bandhigay Buugga Tallaalka Caruurta oo lagu qabtay Magaalada London ee Xarunta dalka Britain (SAWIRRO)


Talaado, 26 November 2013(HOL)—23-kii Nofember 2013 ayaa waxaa lagu qabtay xarunta dawladda hoose ee Brent xaafadda Wembley, London (UK) kulan aqoon kororsi iyo bandhig buug cusub oo ka hadlaya waxtarka tallaalka uu u leeyahay carruurta. Kulankaas oo ay soo qabanqaabisay hay’adda daryeelka hooyada iyo carruurta ee AMEB, ayaa ugu horeyntii waxaa furay maamulaha hay’addaas Lajecel Macallin Cabdiraxmaan oo mahadnaq iyo soo dhaweyn kadib ka warbixisay hay’addaas goortii la aasaasay, waxa ay qabato iyo waxa ay hiigsaneyso mustaqbalka soo socda.

 

 Marwo Lajecel Macallin ayaa sheegtay in mashruucu ka bilowday 35 carruur ah oo dugsi Qu’aan loo furay sannadkii 2008dii ardaydaasoo hadda tiro ahaan mareysa 96 carruur ah. Waxbarashada ka sokow waxaa  ay wax ka qabatay hay’adda AMEB dhanka caafimaadka oo carruur xanuunsan ay wax u qabatay, iyo weliba nafaqeyn dadka tabaaleysan.

 

Xasan Daus oo barnaamijka daadihinayey ayaa wuxuu hadalkii siiyey qaar ka mid ah hoggaamiyaasha bulshada ee ka soo qeyb galay kulankaas, iyagoo intaba ay ugu hambalyeeyeen una mahadnaqeen Marwa Lajecel Macallin Cabdiraxmaan madaxa hay’adda AMEB gacma furanna ku soo dhaweeyey Dr. Abuukar Nuur Xuseen oo ka yimid dalka talyaaniga.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO KALE

 

Prof. Cabdulqaadir Ruumi ayaa warbixin kooban oo ku saabsan buuggaas la soo bandhigayey iyo dhakhtarka buugga qoray Dr. Abuukar Nuur Xuseen ka jeediyey kulankaas intaas kadibna waxaa lagu soo dhaweeyey Dr. Abuukar oo ah dhakhtar  ku taqasusay cudurada carruurta ku dhaca una shaqeeya wasaaradda caafimaadka ee talyaaniga. dhakhtarku wuxuu aad uga hadlay sida ay lagama maarmaan u tahay in carruurta la tallaalo iyo haddii aan la sameyn qatarta ay la kulmi karaan. Dhakhtarku wuxuu soo bandhigay sawirro iyo qariirada soomaaliya meelaha ay ku badan yihiin cudurada caruurta, cilmibaarisyadii ugu dambeeyey ee la sameeyey iyo warbixinnadooda.

 

Intaa ka dib ka soo qeyb galayaashii ayaa su’aalo badan weydiiyey Dr. Abuukar isna si ay ka maqsuudeen ayuu uga jawaabay. Dr. Abuukar Nuur wuxuu horay u qoray buug kaloo ka hadlayey naas nuujinta carruurta iyo faa’idooyinka ku jira, buugaasoo daabacaadiisii labaad ay dhawaan soo bixi doonto haddii Alla yiraa. Ciddii daneyneysa buugtaas waxa ay kala xiriiri karaan hay’addaas AMEB cinwaankeeda  [email protected].

 


Ugu dambeyntii ayaa madaxa hay’adda AMEB Lajecel Macallin waxa ay guddoonsiisay labo shahaadadood Dr Abuukar  hawshaa uu geliyey buuggaas iyo isagoo had walba la garab taagan bulshada wacyigelinta iyo Prof Ruumi oo ah tafaftiraha buuggaas.

 

Hashim Duale, Hiiraan Online

[email protected]

London, UK