4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2013
Maydka Askargii Ciidamada Jabuuti kaga Dhintay Baladweyne oo Maanta la geeyay laguna Aasay Magaalada Jabuuti

Talaado, November 26, 2013 (HOL) — Maydka askarigii ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howgalka AMISOM kaga dhintay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday saldhigga booliiska nagaalada Baladweyne 19-kii bishan ayaa la geeyay maanta magaalada Jabuuti, halkaasoo isla maanta lagu aasay.

Askarigan oo lagu magacaabi jiray Cumar Rooble Casoowe ayaa wuxuu ku sugnaa Soomaaliya mddo hal sano ah sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Jabuuti oo maydka askariga ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Jabuuti.

Taliyaha ciidamada Jabuuti, Jen. Zakariye oo ka hadlay goobta aaska uu ka dhacay ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ay ka go’an tahay inay si wadaan howgallada ay ku doonayaan inay kusoo celiyaan amniga Soomaaliya.

Ciidamada Jabuuti ayaa waxay qayb ka yihiin howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyagoo ka howlgala degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo dhowr jeer ay Al-shabaab weerarro ka geysatay.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo ahaa mid isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 20-qof oo isugu jiray askar iyo shacab.

Dhanka kale, ciidamada Jabuuti ayaa waxaa kaga dhaawacmay weerarkan 12-askari oo dhaawacyadooda lagu daweynayo isbitaal ay maamulaan ciidamada AMISOM maamulaan oo Muqdisho ku yaalla.

Askariga maanta maydkiisa la geeyay Jabuuti ayaa wuxuu  noqonayaa kii labaad oo ciidamada Jabuuti kaga geeriyooda magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa dhawaan sheegay in ciidamadooda aysan ka bixi doonin Soomaaliya ayna la dagaalamayaan Al-shabaab oo uu xusay in ay marayaan maalmihii ugu dambeeyay ee noloshooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya