4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2013
Maamulka Puntland oo sheegay inaysan weli soo gaarin Halkii Milyan ee ay u Ballan-qaaday Dowladda Faderaalka Soomaaliya

Talaado, November 26, 2013 (HOL) — Maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa maanta si cad u sheegay inaysan wali soo gaarin deeq ay dhawaan u ballan-qaadday dowladda faderaalka Soomaaliya, taasoo la sheegay in lugu taakuleynayo dadkii ay dhibaatadu kasoo gartay roobabkii dhawaan ka da'ay qeybo ka mid ah Puntland kuwaasoo khasaaro naf iyo maalba geystay.

Wasiir-u-dowlaha maamul-wanaagga Puntland, Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in weli aysan soo gaarsiin dowladda Soomaaliya lacagtii halka Malyan ee dollar ahayd ee ay ballan-qaadday inay ku caawinayso dadkii ka badbaaday duufaantii ku dhufatay dhawaan deegaanno ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana uu intaa ku daray in xilligan aysan u muuqan tallaabo lugu soo garsion doono halkaas milyan ee doollar.

"Waxaan maanta caddeynaynaa inaysan dowladda federaalka Soomaaliya gacan ka geysan oo aysan ka qayb-qaadan gurmadka ka socda Puntland ee loo sameynayo dadkii ku cayroobay roobabkii da’ay; lacagtii ay ballan-qaadayna nama soo gaarsiin. Taas in lala socdo ayaana doonaynaa waxaa macquul ah in dadku is yiraahdaan lacagtii Puntland waa la gaarsiiyay, waxaase muhiim ah in la ogaado in hanti badan iyo gurmad badan loo fidiyay dadkii dhibaatadu soo gaartay oo aan loo baahi qabin kaalmo lala soo daahay,” ayuu yiri Gaashaan.

Sidoo kale, wasiir-u-dowluhu wuxuu hadalkiisa kusoo qaaday farriin uu diray dowladda Kuwait oo iyadu dhawaan sheegtay inay ka qayb-qaadan doonto dadaallada wax lugu garsiinayo dadkii ay roobabku saameeyeen, waxaana uu baaq ugu diray in xilligan deeqda ay damacsan tahay in Puntland ay soo garsiiso inay ka dhigto xoolo loogu iibiyo dadka xaaladda adag haysato, balse markaana ay raashin u baahi qabin.

Isku soo wadda duboo; hadalkan kasoo baxay maamulka Puntland wuxuu ku soo aadayaa xilli dhawaan dowladda Soomaaliya ay ku baaqday in Puntland ugu deeqi doonto lacag dhan halka milyan ee doollar.

Hiiraan Online, Gaalkacyo