4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2013
Shirkadda Towfiiq oo Raashin ugu Deeqday Dadkii ku Cayroobey Roobabkii Duufaanta watay ee ka Da’ay Puntland (SAWIRRO)

Talaado, November 26, 2013 (HOL) — Iyadoo weli ay socdaan dadaallada gurmadka loogu fidinayo dadkii xoolo dhaqatada u badnaa ee ku cayroobey duufaantii labo todobaad kahor ku dhufatay qaar kamid ah gobollada Puntland, ayaa waxaa maanta shirkadda ganacsiga guud ee Towfiiq ay deeq raashin ah oo dadkaas loogu tala galay waxay ku wareejisey hay'adda wadaniga ah ee TADAAMUN.

Maamule ku-xigeenka xafiiska shirkadda Towfiiq ee gobollada Puntland, Maxamed Daahir Qoobeey, ayaa sheegay in deeqdan oo ka kooban 800 oo kiish oo bur ah iyo 405 gasacadood oo caano ah loogu tala galay 400 oo qoys oo kamid ah dadka tabaaleysan.

Qoobey ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay markii labaad ee shirkadda Towfiiq ay deeq gaarsiiso deegaanada ay duufaantu saamaysay, isagoo xusay in horay 200 oo kiish oo raashin ah ay shirkaddu ugu deeqday.

Ugu dambeyntii wuxuu deeqda raashinka ah ku wareejiyey agaasimaha hay'adda wadaniga ah ee TADAAMUN C/raxmaan C/risaaq C/raxmaan, wuxuuna sheegay in TADAAMUN ay tahay hay'ad lagu kalsoonaan karo, sidaas darteed ay shirkadda Towfiiq garatay in TADAAMUN ay sii marsiiso deeqda raashinka ah ee loogu tala galay dadkii ay duufaantu cayraysay.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Agaasimaha TADAAMUN, C/raxmaan C/risaaq C/raxmaan oo ugu dambeyn hadalka qaatay aya si aad ah ugu mahadceliyey shirkadda Towfiiq oo sida uu tilmaamay ah shirkad had iyo jeer u heellan in ay ka qayb qaatado arrimaha bulshada, gaar ahaan xilliyada ay dhibaatooyinku dhacaan.

C/raxmaan ayaa dhinaca kale sheegay in dadka duufaantu saamaysay aysan cunto keliya u baahneyn, balse ay qabaan baahiyo kale oo asaasi ah, sida in dib u dejin loo sameeyo oo xoolo loo gado si ay noloshooda mar kale dib ugu amba qaadaan.

Roobab qabow iyo dabeylo xooggan watey oo labo todobaad kahor ka da'ay gobollada Nugaal, Karkaar iyo Gardafuuy ee Puntland, kuwaas oo galaaftay nolosha dad iyo duunyo badan, ayaa waxaa ku cayroobey in ka badan 500 oo qoys oo xoolo-dhaqato u badan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya