4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2013
Wafdi uu hogaaminayo Afhayeenka maamulka Jubba oo dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo [SAWIRRO]



Talaado, November 26, 2013(HOL) :- Wafdi uu hogaaminayo afhayeenka maamulka KMG ee Jubba C/naasir Seeraar Maax ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyadoona uu wafdigani kasoo kicitimay dhanka magaalada Muqdisho oo mudooyinkii u danbeeyay ay ku sugnaayeen.

C/naasir Seeraar oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa sheegay in guulo laga gaaray arimaha Jubooyinka, isagoona xusay in la xaliyay dhamaan waxyaalihii u dhexeeyay beelaha dega gobolladan.

Masuulkan ayaa sheegay in hadda wixii ka danbeeyo la ambaqaadi doono arimaha nabadgelyada iyo horumarka, isagoo intaa ku daray in maamulka Jubba uu ka gudbay dhamaan caqabadihii siyaasadeed ee hortaagnaa.

Sidoo kale Ugaas Cumar Xiireey oo kamid ah salaadiinta Jubooyinka islamarkaana ka qeybgalay shirkii arimaha Jubooyinka ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay ayaa sheegay in saladiiinta Jubooyinka ay ku guuleysteen in ay xalliyaan khilaafaadkii u dhexeeyay beelaha wada dega gobolladan.

"waxaad naga sugeeyseen nabad bay ahayd nabadiina waa la qaatay, ninkay u macaan tahay nabad baan keennay," ayuu ugaas Xiireey hadalkiisii raaciyay.

Imaatinka wafdigan ayaa kusoo beegmaya iyadoo la filayo in magaalada Kismaayo lagu qabto wejiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Jubooyinka, kaasoo wejigiisii koobaad lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.