4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2013
Xisbiga KULMIYE oo ka hadlay khilaafka dhexdooda ka jira iyo casuumad ay ka heleen Xisbiga EPRDF ee Itoobiya (SAWIRRO)


Talaado, November 26, 2013 (HOL) — Hoggaanka sare ee xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE ayaa sheegay in la dhameeyey wixii khilaaf ahaa ee dhexdooda yaallay, isla markaan qodobadii la isku hayey laga heshiiyey.

“Sidii aad maqasheen go’aamo iyo talooyin uu odayga qaranka ee ah Guurtidu Md Saleebaan Maxamuud Aadan talooyinkii uu soo jeediyay sideedii ayaa loo qaatay oo wax laga bedelayaa ma jiro oo guddidii qabanqaabadu iyo guddida fulintu sideedii ayay ahaanaysa oo  wax waliba ku dhamaatay anaguna aanu safar ugu ambabaxaynaa”ayuu yidhi xoghayaha guud Xasan Siciid oo ka hadlayey khilaafka la sheegay inuu  dib u soo laba kacleeyey.

Guddoomiye Xigeenka 1aad ee Xisbigaasi  Md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in aany jirin wax khilaaf ah oo xisbiga soo dhexgalay, balse hawsha shirweynaha loo diyaarinayo lagu kala aragti duwanaanayo.

“Xisbiga Kulmiye waxa uu ku jiraa diyaar garawgii falanqayntii iyo diyaarintii iyo abaabulkii hawlahiisii Xisbiga Isla fahankoodi meel wanaagsan ayay noo maraysa oo hore ayaanu u sheegnay oo waxanu nidhi Xisbi hawlahiisa marka laga talinaayo waxa ay noqonaysaa mid aad u balaadhan”ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenkii xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin oo isna ka hadlay khilaafka la sheegay inuu ka soo baxay xisbiga.

Khilaafkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay ka dib markii gudoomiyaha golaha Guurtiddu dhexdhexaadin ka galay labadda garab ee xisbiga isku haya, isla markaana garabka gudoomiyaha usoo jeediyey in aan waxba laga bedelin guddida qabanqaabada shirweynaha xisbiga iyo guddi fulintaba, balse la sheegay inuu gudoomiye Muuse Biixi ka cadhooday arirntaasi, haseyeeshee, hogaanku waxay ku doodeen inay talooyinkii gudoomiyaha Guurtida ay qaateen, isla markaana wax khilaaf ahi aanu xisbiga ka dhex jirin.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee KULMIYE Maxamed Kaahin ayaa sheegay in xisbiga EPRDF ee taladda Dalka Itoobiya haya ku casuumay gudoomiyaha xisbiga iyo xoghayaha xisbiga KULMIYE maalinta xuska maalinta qoomiyadaha dalka Itoobiya oo sanad kasta bisha Decembar la qabto, waxaana maalintan si wada jir ah usoo qabanqaabiyey EPRDF iyo xukuumadda Itoobiya.

“Aniga oo ah Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf iyo Guddoomiyaha Xisbiga Md Muuse Biixi Cabdi waxa aanu safar shaqo ugu kicitimayna Magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya,waxa uu safarkaasi la xidhiidha Kulamo aanu la yeelan doono Xisbiga talada dalkaasi haya ee EPRDF oo aanu Casuumad marti qaad ah ka helay”ayuu yidhi xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan SIciid oo ka hadlayey casuumad ay ka heleen xisbiga EPRDF ee Itoobiya.

“Mas’uuliyiinta aanu la kulmi doon waxa ka mid ah Xoghayaha Guud ee xisbiga talada Itoobiya haya ee  EPRDF, isla markaana ah Raysul Wasaare Xigeenka dalka Itoobiya waxa kale oo aanu la kulmi doona Madax sar sare oo ka tirsan dalka Itoobiya oo ay ka mid yihiin dhawr Wasiir, ka dibna Guddoomiye Muuse Biixi wuxuu u gudbi doonaa dalka Tansaniya oo uu kaga qaybgelidoono shir ay leeyihiin Axsaabta dalalka Afrika”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland