4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2013
FOWZIYO YUUSUF: “Dhallinyarada oo Shaqooyin loo abuuro Waxay qayb ka Qaadanaysaa Horumarka guud ee dalka” (SAWIRRO)


Talaado, November 26, 2013 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda  Soomaaliya, ayna ra'isul wasaare ku xigeen, Fowziya Yuusuf Aadan iyo wafdi ay horkacayso ayaa ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium si ay uga qaybgalaan shirka looga hadlayo horumarinta caalamka oo uu soo qaban-qaabiyay ururka Midowga Yurub.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, C/raxmaan Yariisow, xoghayaha joogtada ah ee arrimaha dibadda, Cabdi Diirshe iyo mas'uuliyiin kale.

Shirkan oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa kasoo qayb-gali doona madaxweynayaal iyo ra'iisul wasaarayaal ka kala socda caalamka oo ay ka mid yihiin: madaxweynaha Laybeeriya, Nayjer iyo ra'iisul wasaaraha, Jamayka, Litwaaniya, Ivory Cost iyo kuwo kale.

Sidookale waxaa kasoo qayb-galeysa madaxa midowga Africa, Drs Nkosazan Zuma, madaxweynaha midowga Yurub, Barosso iyo madaxda kala duwan oo ka tirsan ururka Midowga Yurub.

Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf ayaa khudbad taariikhi ah ka jeedin doonta kulana taasoo ay uga hadleyso sida Soomaaliya ay ugu faraxsan tahay hoggaanka Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya, isla markaana waxay ka codsan doonto caalamka in Soomaaliya ay maanta mareyso marxaladdii horumarka oo loo baahan yahay in caalamka ay shaqo u abuuraan dhalinyarada Soomaaliyeed si dalka horumar dhab ah uu uga dhaco.

Dhanka kale, waxay caalamka ka codsan doontaa ballan-qaadkoodii hore in ay ka dhabeeyaan oo loosoo jeesto Soomaaliya. Fowziya ayaa waxay fariin ay ka siddo madaxweynaha Soomaaliya gaarsiin doontaa madaxda ururka Midowga Yurub.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya