4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2013
Madaxweyne Siilaanyo oo ka Tacsiyadeeyay Geerida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somaliland oo Geeriyooday

Talaado, November 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanayo, ayaa tacsi u diray alla ha u naxariistee Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somaliland  Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybo) oo ka mid ahaa ruug cadaayadda siyaasadda Soomaalidda.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi u diray ehelka iyo qaraabadda iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay marxuum Qaybo.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo shacabka  ka baxay magac iyo taariikhna ku dhex leh bulshada Somaliland iyo qarankaba, laguna xasuusan doono doorkii uu ka soo qaatay dib u dhiska dalka, isaga oo marxuumku xilkii ugu danbeeyey ee uu qaranka ka soo qabtayna uu ahaa Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland wakhti dheerna ka mid ahaa tiirarka qarankani ku daydo ee halbawlaha u ah ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golayaasha qaranka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Allaha u naxariistee  gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somaliland Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), ayaa kontankii sanno ee u dambeeyey saaxadda siyaasadda ku jiray, xilal badana ka soo qabtay Soomaaliya lixdankii ka hor iyo ka damba.

Marxuum Qaybe ayaa 1930-kii ku dhashay magaaladda Cadan ee dalka Yaman, waxaanu Somaliland yimid 1954,  1956 waxa loo magacaabay xogyahay fulinta ee dawladda hoose ee Berbera, ka dibna waxbarasho dibeed buu ugu baxay Ingiriiska, lixdankii waxa uu noqday xoghayihii golaha Baarlamaanka, ka dibna waxa loo magacaabay safiirka Mosko ee Ruushka, ka dibna  dalal badan oo Yurub ah ayuu ka noqday danjiraha Soomaaliya u jooga dalalkaasi, ka dibna muddo lix bilood ah waxa uu ahaa wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaliya  ee ugu dambeeyey ka hor inta aanay burburin.

Burburkii Soomaaliya Ka dibna 1995 kii ayuu Somaliland ku soo noqday, waxaanu 1997 kii loo doortay gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland, waxaanu xilkaasi wareejiyey 2005.

Marxuum Qaybo ayaa ka mid haa siyaasiyiinta soomaalidda ugu ruug cadaadsanaa,  waxa uu ka mid ahaa saddexda qof ee ku saxeexan dastuurka Somaliland, isla markaan  waxa uu ka mid ahaa ragii sameeyey dastuurka.

Allaha u naxariistee waxa uu hadda xubin ka aha golaha Guurtida, iyo la taliyaha madaxweynaha ee arimaha dibadda, waxaanu dhowaan sameeyey Buug ka hadlaysa noloshiisa iyo taariikhda Soomaalida illaa lixdankii ilaa imika , inkastoo aanu wali suuqa soo galin, balse eheladda marxuumka ayaa ii sheegay inuu buugaasi dhamaystiran yahay oo la doonayey in dhowaan lagu soo bandhigo magaaladda Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa  Tacsida ka dib waxa uu magacaabay gudi heer qaran ah oo marxuumka u samaysay Aas qaran, waxaana ka mid guddidaasi.

1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda (Guddoomiye)   
2. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
3. Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw Qaafta.
4. Wasiirka wasaaradda Xanaanadda xoolaha.
5. Wasiirka Wasaaradda Beeraha.
6. Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.
7. La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dawladaha Hoose 

Sidoo Bahdda Hiiraan Online waxay tacsi u dirayaan ehelkii iyo qaraabadi uu ka baxay Alla ha u naraxiisto Marxuum Axmed Maxamed Aadan Qaybo oo taariikh dheer ku ah ummadda Soomaaliyeed, isla markana ka  mid aha raga faro ku tiriska ah ee taariikhda ku leh siyaasadda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland