4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2013
Musharrax Cali Xaaji Warsame oo kulan xog Wareysi ah Maanta la yeeshay Dhallinyarada Gobolka Bari (SAWIRRO)

Talaado, November 26, 2013 (HOL) —
Musharrax Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah musharraxiinta u taagan madaxtinimada Puntland, ayaa xalay magaalada Boosaaso kulan xog waraysi ah kula yeeshay dhallinyarada gobolka Bari.

Qodobada ugu muhiimsan ee kulankaas layskula soo qaaday ayaa waxaa kamid ah: kaalinta ay dhallinyaradu ku yeelan karaan siyaasadda iyo hoggaanka dalka iyo weliba sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha shaqo-la’aantu ugu horeyso ee dhallinyarada haysta.

Musharrax Cali Xaaji Warsame oo ugu horreyn hadalka qaatay, ayaa sheegay in taageerada dhallinyaradu ay lagama maarmaan tahay, si loo gaaro isbeddel dhab ah oo ka dhaca deegaanada Puntland, wuxuuna intaas ku daray in haddii uu doorashada ku guuleysto uu hirgelin doono barnaamijyo badan oo lagu horumarinayo xirfadaha iyo aqoonta dhallinyarada, shaqooyinna loogu abuurayo.

“ in aan doorashada soo galo guul bay dhallinyarada u tahay…aniga ayaa dhallinyarada kamid ah, sidaas darteed waxan dareemi karaa baahiyaha ay dhallinyaradu qabaan…” Musharrax Cali Xaaji Warsame ayaa yiri.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

C/samed Aadan Cali (Dhaanto) oo ka tirsan ururka dhallinyarada gobolka Bari, ayaa sheegay in Puntland ay xilligan u baahan tahay hoggaan wanaagsan oo ka shaqeeya sidii bulshada Puntland ay midnimo iyo cadaalad ugu caano maali lahayd.

Axmed Maxamed Siciid (Wacays) oo isna ka tirsanaa dhallinyaradii kulankaas ka qayb gashay, ayaa tilmaamay in 70% dadka reer Puntland ay dhallinyaro yihiin, sidaas darteed ay khasab tahay in dhallinyaradu ay hormuud ka noqdaan hawl walba oo socota.

Gabagabadii dhallinyarada ayaa musharrax Cali Xaaji Warsame weydiiyey su’aalo badan oo la xiriira: waxqabadkiisa haddii la doorto, siyaasaddiisa ku aadan dowladda dhexe ee federaalka, warbaahinta, siyaasadda arrimaha gudaha; siyaasadda arrimaha dibadda iyo soo celinta gobollada Sool iyo Cayn.

Ilaa iyo hadda siyaasiyiinta ku dhawaaqay in ay ka qayb geli doonaan doorashada, una tartami doonaan xilka madaxweynenimada ayaa gaaraya 13 musharrax.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya