4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2013
Qaramada Midoobay oo Gaashaanka ku Dhufatay Amar kasoo baxay Kenya oo lagu sheegay in lagu xirayo Xeryaha Qoxootiga


Talaado, November 26, 2013 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in aysan ogolaanayn in la xiro xeryaha ku yaalla dalka Kenya oo ay ku jiraan qoxootiga Soomaaliyeed, kaddib markii wasiirka arrimaha gudaha Kenya uu dhawaan amar ku bixiyay in xeryaha qoxootiga la xiro.

Kenya ayaa waxaa ku sugan in ka badan nus malyuun qoxooti Soomaaliyeed kuwaasoo ay ku jiraan kuwo halkaas ku noolaa muddo 20-sano ka badan. Waxayna badankood ku nool yihiin xeryaha Dhadhaab oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Maalintii Axadda ahayd ee lasoo dhaafay ayuu wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Joseph Ole Lenku sheegay in la xirayo gabi ahaan xeryaha qoxootiga eek u yaalla Kenya, sidoo kalena dib loogu celiyo dalkooda qoxootiga ku jira ee Soomaalida ah.

Afhayeenad u hadashay hay’adda UNCHR, Kitty McKinsey ayaa wareysi ay siiyay VOA-da ku sheegay in hay’adaha gargaarka aysan qabalayn in la xiro xeryaha qoxootiga eek u yaalla dalka Kenya.

“Ma aaminsanin inuu jiro amar lagu xiri karo xeryaha qoxootiga ee dalka Kenya ku yaalla,” ayuu tiri McKinsey oo intaas ku dartay. “Xukuumadda iyo shacabka Kenya waa dad dul-qaad badan oo muddo sannado ah dalkooda ku yahay qoxootiga Soomaalida, mana filayo inay dhici karo in la xiro xeryaha.”

Horraantii bishan ayay ahayd markii hay’adda UNHCR iyo xukuumadaha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay saxiixeen heshiis dib loogu celinayo qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

“Kuma jirin heshiiskan in la xiro xeryaha qoxootiga,” ayay tiri McKinsey oo intaas ku daray. “Markii aan heshiiska saxiixaynay laguma soo qaadin goobta xiridda xeryaha qoxootiga, mana jirto qof ka hadashay, marka ma filayo in taasi ay tahay mid la aqbali karo.”

Tiro ka mid ah qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka ayaa u billaabay si iskood ah inay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya, kaddib markii ay hoos u dhaceen dagaalladii, dhaqaalaha dalkuna uu sare u kac sameeyay.

Laakiinse tiro badan oo qoxooti Soomaaliyeed ah ayaa weli ku nool gudaha dalka Kenya, kuwaasoo qaarkood ku noolaa xeryaha Dhadhaab tan iyo markii ay dhacday xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

Tira-koob ay soo saartay hay’adda qoxootiga adduunka ee UNCHR ayaa lagu sheegay in xeryaha Dhadhaab ay ku nool yihiin, 388,000. Sidoo kalena ay ku nool yihiinn xerada Kaakuma oo waqooyi-galbeed Kenya ku taalla ay ku jiraan iyadana 54,000, halka ay magaalada Nairobi ku nool yihiin 32,000 oo kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya