4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 26, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo Furay Mashruuc lagu Horumarinayo Caanaha Xoolaha oo ay Maal-galinayso Midowga Yurub (SAWIRRO)


Talaado, November 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa ka qayb-galay mashruuc lagu horumarinayo caanaha xoolaha Somaliland oo ay ku baxayso afar milyan iyo afar boqol oo kun oo lacagta midowga Yurub ah.

Wasiirka Xanaanada xoolaha Cabdi Aw Daahir Cali ayaa faahfaahin ka bixiyey faa’iidada mashruucan caanaha lagu horumarinayo u leedahy bulshadeena, waxaanu sheegay in mashruucan loogu talogalay sidii xoolaha iyo dadka ka shaqeeyaba loo daryeeli lahaa, isla markaana weelalka lagu qaado iyo dadka iibiya caafimaadkooda loo ilaalin lahaa.

“Waa mashruuc balaadhan oo ay naga caawinayaan midowga Yurub oo ku kacaysa wejiga hore Afar milyan oo midowga Yurub bixinayso  iyo afar boqol oo Hay’adda FAO bixinayso, waa qaab caanaha lagu daryeelayo, waxa ku jira neefka kobcintiisa, caafimaadkiisa iyo weelka iyo qofka lisayey , wadooyinka uu marayo, weelka lagu soo qaadayo qaabka loo daryeelayo, sidii loo kobcin lahaaa dadka ka shaqeeya caanaha, waa silsilad isku xidhan oo la doonayo in la horumariyo si caanuhu u wanaagsanaadaan”ayuu yidhi wasiirka Xanaanadda xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo  ayaa isna u mahadceliyey midowga Yurub ee arrintan maalgaliyey iyo sida ay muhiim u tahay in looga faa’iideeyo xoolaha nool.

“Waan ku faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo munaasibadan horumarinta caanaha Somaliland  oo ay maalgaliyeen Midowga Yurub, mashruucaasi waa mid Faa’iido badan u leh ummaddeena”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey horumarinta Caanaha.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Wakiilka Hay’ada FAO iyo Marti sharaf kale.

Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley safiiro shan dal oo midowga Yurub ka socda iyo Safiirka Maraykanka, waxaanay ka wada hadleen sidii Somaliland uga caawin lahaayeen inay noqoto dal madax banaan, isla markaana u guulaysan lahaayeen wada hadalka u socda Soomaaliya sida uu wasiirka Arrimaha dibadda Somalinad Maxamed Biixi warbaahinta u sheegay.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in mar kale dib u dhaceen wada hadalkii bisha December uga furmi lahaa Somaliland iyo Soomaaliya khilaafka ka jira madaxda Soomaaliya awgeed.



Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland