4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2013
Dadka Maskaxda la’ oo Raashin loogu Qaybiyay Baydhabo iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Baydhabo ku Wajahan (SAWIRRO)


Isniin, November 25, 2013 (HOL) — Dr. Aadan Gentelman oo ruuxii ugu horreeyay isku-dayay inuu wax-u-qabto dadka waalan ee Baydhabo ku nool ayaa waxuu sameeyey xero lagu xanaaneeyo dadka dhimirka qaba; taasoo sababtay in magaalada laga waayo dadkii waalnaa ee dhex-socon jiray.

Haddaba dhakhtarka oo kaashanaya hay’adaha samafalka sida WHO ayaa wuxuu ku dadaalay sidii dawooyin loogu heli lahaa dadkaas cudurrada ka qaba masxkada, iyadoo dad badan ay caafimaad heleen.

Maanta ayaa urur dhallinyaro ee la yiraahdo Gar-jeel waxay gaarsiiyeen xaruntaas raashin ku filan, iyadoo mas’uuliyiinta xerada dhimirka ay u mahad-celiyeen dhallinyarada mutadawaciinta Garjeel kuwaasoo dhaqaale ay iska soo aruuriyeen raashin ugu soo gaday dadkan dhimirka leh oo magaalada gaaf-wareegi jiray.

Dhanka kale, magaalada Baydhabo waxaa laga dareemayaa diyaar-garow loogu jiro sidii lagu soo dhaweyn lahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, horayna u ahaa afhayeenkii baarlamaankii KMG ahaa.

Shariif Xasan ayaa la sheegay in socdaalkiisa uu salka ku hayo sidii uu uga furi lahaa Baydhabo shir maamul loogu dhisayo saddex gobol oo koonfurta Soomaaliya ku yaalla, balse waxaa qorshihiisa kasoo horjeeda odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle oo Baydhabo uu uga socdo shir lagu dhisayo maamul ay yeeshaan lix gobol oo ku yaalla Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya.

Wararka ayaa waxay sheegayaan inuu degi doono hoteelka weyn ee Bakiin isagoo ay kasoo hormareen ergooyin badan iyo qaar ka tirsan fanaaniin ka yimid magaalada Muqdisho, kuwaasoo qayb ka ah soo dhaweynta lagu wado in berri loo sameeyo Shariif Xasan.

Hiiraan Online, Baydhabo