4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2013
Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Sheegay Waxyaabaha lagaga Halayo shirka QARAN ee Xisbiyada Mucaaradku ku baaqeen

Isniin, November 25, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa  ka hadlay ajandaha shirka Dooda qaran ee ay wada qabanayaan labada xisbi mucaarad, waxaanu sheegay in shirkaasi aanu qaranka dhibaato ku ahayn, balse la doonayo in wixii Somaliland u qabsoomay iyo inta qabyada ka ah laga doodo.

“Muddo 22 sano ah ayeynu xor ahayn mar qudhana inta laysku yimid lama odhan maxaa inaga qabyo ah, hada doorashooyin ayaa la galayaa  wax badan ayaa ina hor yaalla,  waa inta aan doorashada la gaadhin aynu ka sii tashano”ayuu yidhi Faysal oo ka hadlayey ujeedada Doodda qaran loo qabanayo.

“Waxaa kaloo ka mid ah waxyaalaha lagaga doodi doonno arrimaha guurtidda iyo sidii laga yeeli lahaa,  distoorka qabyada ah ee mar kasta laysku qabsado,siyaasada debada, saamigii la siin lahaa dumarka iyo dadka laga tirada badan yahay waxaas oo dhan waa inaynu ka heshiino oo lagu dhaqmo, markaa ma garanayo dawladu waxay u diidayso anaga hore u qabanay anaga iyo Kulmiye taas oo aanu ka soo saarnay tusaalooyin badan oo wax tar leh ”ayuu yidhi mar uu maanta madaarka Hargeysa kala hadlayey warbaahinta isagoo ka soo noqday shir ka dhacayey Turkiga oo xisbigiisu ka qaybgalay.

Dhinca kale, Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo ka mid ahaa masuuliyiintii ku soo dhoweynaysay gudoomiye Faysal Madaarka Hargeysa, ayaa sheegay in laga horjoogsaday inuu galo madaarka.

Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in ciidamadda ilaaladda madaarka Hargeysa u diideen inuu gudaha u gallo madaarka, isla markaana ay soo dhoweeyaan gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

“Waa ayaan daro in la noo diido in aanu soo dhoweyno gudoomiyaha xisbiga UCID, iyagoo wakhtigoodii (Kulmiye) dhiig ku daadan jiray marka loo diido in la soo dhoweeyo madaxdoodda “ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayey is hortaagiii lagu sameeyey .

Hase yeeshee, wasaaradda Duulista Hawadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay waxba ka jirin, isla markaana aanay hore ugu soo wargelin imaanshiyaha gudoomiyaha iyo soo dhoweyntiisa, waxaanay sheegeen inay ahayd inay maamulka madaarka la socodsiiyaan wakhtiyada ay soo dhoweynayaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland